10-ka hoggaamiye ee xillgan ugu waqtiga dheer qaaradda Afrika

Robert Mugabe oo 93 jir ah, ahaana hoggaamiyihii Zimbabwe laga soo bilaabo xuriyaddii dalkaasi 1980-kii ayaa talaadadii is-casilay, Mugabe waxaa uu ka mid ahaa madaxda ugu waqtiga dheer adduunka iyo qaaraddan Afrika.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Madaxda Xillgan Afrika Ugu Muddada Dheer:

(1). Teodoro Obiang Nguema Mbasogo: Madaxweynaha Equatorial Guinea 1979

Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, sheekadiisa waa mid xiiso badan, waxaa uu ka soo baxay Akaademiyad Militari oo ku taallo Spain, isaga oo madax ka noqay Jasiirad illaa adeerkiis Macías Nguema oo madaxweyne dalkaasi  ka ahaa uu dilo aabihiisa iyo inta badan qaraabadooda, markaasi kadib Teodoro Obiang Nguema Mbasogo ayaa dagaal la lagay madaxweyne Macías Nguema, waana ka adkaay, ninka dambe caruurtiisa waxaa uu u diray Waqooyiga Kuuriya isagana waxaa lagu qabtay baadiyaha dalkaasi, ugu dambeyntiina waa la toogtay!

Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, wixii xilligaasi ka dambeeyay,  waxaa uu  madax ka yahay dalka Equatorial Guinea, waa dalka ugu hodon-san qaaradda Afrika, wiilkiisa iyo dadka ku dhaw waxaa ganacsi ku leeyihiin qaaradda Yurub.

(2). Paul Biya: Madaxweynaha Cameroon 6 November 1982.

Inta uusan madaxweyne ka noqon Cameroon 1982-dii, Biya  waxaa uu ra’isul wasaare u ahaa madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Ahmadou Ahidjo.

Paul Biya, marar badan ayaa waxaa la soo gudboonaaday cadaadis badan balse waxaa uu uga badbaaday xiriirka uu la leeyahay dalka Faransiiska oo horay u soo gumeystay dalka Cameroon!!

(3) . Yoweri Museveni –  Madaxweynaha Uganada 29 January 1986

Yoweri Museveni, waxaa uu dalkaasi madax ka yahay tan 1986-kii,  waa madaxweynihii ugu muddada dheeraa dalkaasi, waxaa ku soo xigay Idi Amin iyo Milton Obote.

Dad badan oo reer Uganada ah ayaa kula taliyay in uu xukunka ka dago ama tartanka madaxtinnimada isaga haro, waxaa uu ku jawaabay “Haddii aan dhinto xitaa, qabriga ayaan ka soo tartamayaa”!!

(4). Boqor Mswati III (Swaziland) – 1986.

Boqorkan Swaziland,  waxaa uu dalka qabsaday  April 1986, markaas uu gaaray 18 jir, 4 sano kadib marka uu aabihii geeriyooday!!

Dalkaasi waxaa uu ku heystaa awood aan xad laheyn, in kasta oo dalku leeyahay  baarlamaan, ra’isul wasaare iyo xukuumad, hadana isaga ayaa ka awood badan!!

Ragga qaaradda Afrika ku nool waxaa uu dheer yahay boqornimada marka laga soo tago, September sanadkan waxaa uu guursaday gabar 19 jir ah oo noqoneysa xaaskiisa 14-aad!!!

(5). Cumar Xasan Al-Bashir – Madaxweynaha Suudaan 1989

Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashir waxaa uu sanadkii 1989-kii afgambi aan dhiig ku-daadan xukunka uga tuuray ra’isul wasaare Saadiq Al-Mahdi.

Intii uu talada hayey, waxaa dalkiisa waxaa ka go’ay Koonfurta Suudaan, waxaa looga yeeray maxkamadda ICC, dalkiisa waxaa uu ku jiraa 3 dal oo deyn ka qaadan Karin hey’adaha lacagta adduunka!

(6). Idriss Déby – Madaxweynaha Chad 1990

Madaxweyne Idriss Déby, waxaa uu dalka Chad  qabsaday 1990-kii,  Déby  waxaa ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynihii xilligaas Xissene Habré. Déby waxaa loo musaafuriyay dalka Libya, taageero uu ka helay dalalka Libya iyo Suudaan ayuu weerar ku soo qaaday Habré, sanad kadibna waxaa uu la wareegay caasimadda N’Djaména.

(7).  Isaias Afwerki – Madaxweynaha Eritrea 1993

Dalka Eritrea tan iyo markii uu xuriyadda ka qaatay dalka Itoobiya, ma arkin hoggaamiye aanIsaias Afwerki aheyn!!

Afwerki, waa nin aan nixin, Xisbigiisa ma ahee cid kale siyaasad kama shaqeyn karto, arrimaha dimoqoraadiyadda iyo hanti-goosadka la xiriira maba qoro, eedeynta reer galbeedka iyo dariska, dheg-jalaq uma siiyo!!

(8). Paul Kagame Hoggaamiyaha Rwanda 1994

1994, Paul Kagame iyo kooxdiisa RPF, waxaa ay ka adkaadeen ciidamada the Rwandan National Army kadib xasuuqii Rwanda ka dhacay.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay Paul Kagame isaga ayaa dalkaasi hoggaamiye ka ahaa, waxaa uu madaxweyne ka dhigay Pasteur Bizimungu illaa markii dambe uu iska tagay 2000.

Paul Kagame ayaa la doortay 2000, waana madaxweynaha  dalkaasi, doorasho kasta oo dhacda isaga ayaa hela 99%!!

(9). Denis Sassou Nguesso – Madaxweynaha Republic of the Congo 1997

Madaxweyne Nguesso waa markii 2aad uu dalkaasi maamulo, horay waxaa uu madaxweyne u noqday 1979 -1992, isaga oo mar kale dib madaxweyne u noqday 1997.

Markan dambe, dalka Republic of the Congo waxaa uu ku jiray dagaal sokeeye, waxaa uu xilka ka xoogay madaxweyne Pascal Lissouba illaa iyo hadda isaga ayaa xukuma!!

(10): 1999: Waxaa madaxweyne noqday rag badan oo ay ku jiraan Cabdelaziz Boutefliqa, Boqorka Moroco, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyanaha Gabon Cali Bongo!!

Kooxda Record-kooda Aan La Jabin: 

Waxaa jira madax kale oo illaa iyo hadda la jibin la’ayahy Record-kooda xagga xukunka qaaradda Afrika, waxaa ka mid ah :

Boqorkii Ethiopia Haile Selassie, kaas oo la tuuray 1974, waxaa uu boqor ahaa 44 sano!!

Mucamar Al-Qadaafi, Madaxweynihii Libyan, waxaa la dilay 2011-kii, waxaa uu dalkaasi maamulayey 42 sano!!

Omar Bongo Ondimba, Waxaa uu ahaa madaxweynaha  Gabon, waxaa uu dalkaasi xukumayey illaa uu ka dhinto October 2011, 41 sano ayuu talinayey!!

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,