18 murashax oo go’aan xasaasi ah ka soo saaray Muqdisho (Akhri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen 18 murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweyne ayaa waxay ugu hadleen arrimaha doorashada, iyagoona ku heshiiyay inay ku midoobaan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee Isbeddel SamayntaGolaha curinta si ay xiriir talo wadaag ah u yeeshaan isla markaana abaabul mideysan iyo aragti mid ah ay ka yeeshaan ka hortagga faragelinta qaldan ee lagu hayo doorashooyinka.

Qodobada ku xusan baaqaan oo ka kooban 10 qodob ayaa loogu digay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in ay ka fogaadaan wax kasta oo shaki gelin kara dhex dhexaadnimadooda iyo wax kasta oo muujin kara inay musharaxiin gaar ah taageerayaan, sidoo kalena waxay madaxda dowladda waqtigeeda dhamaaday looga digay adeegsiga awoodda iyo hantida qaranka in loo isticmaalo ololaha doorashooyinka.

War murtiyeedka ayaa sidaan u qornaa:.

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee Isbeddel Samaynta

War Saxaafadeed

Muqdisho, 10/01/2017

Baaq & Baahin

Gogoldhig:

Musharaxiinta xilka Madaxweynenimada Soomaaliya u sharaxan ee sannadka 2017ka oo ka kooban in ka baadan 18 xubnood aaysan ku jirin Musharaxiinta ka

tirsan dawladda uu hadda waqtigeedu dhamaaday, shir ay isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxay si qota dheer uga hadleen xaaladda dalka & dadka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin oo lagu fashilmay dhinacyada Siyaasadda, Amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Musharaxiintu waxay si gaar ah u falanqeeyeen abaarta ku habsatay dalka, iyagoo fadhi gaar ah la yeeshay Guddiga isu xilqaamay gargaarka dadka ay abaaruhu wax yeelleeyeen. Waxay warbixin tifatiran ka dhegeysteen Guddiga ugargaaridda dadka abaaruhu wax yeeleen. Waxay kaloo Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wada hadleen doorashooyinka madaxda qaranka oo ay ugu horreyso tan Guddoonka Labada aqal ee Baarlamaanka ayna ku xigto midda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Gabagabadii shirka, Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya waxay ku heshiiyeen inay baahiyaan Baaqaan ka kooban qodobbada hoos ku qoran:

  1. Musharaxiintu waxay ku heshiiyeen inay ku midoobaan curinta golahaan si ay xiriir talo wadaag ah u yeeshaan.
  2. Musharaxiintu waxay ku heshiiyeen ujeeddada golaha oo ah in abaabul mideysan iyo aragti mid ah laga yeesho ka hortagga faragelinta qaldan ee lagu hayo doorashooyinka.
  3. Musharaxiintu waxay ku heshiiyeen inay u midoobaan in Soomaaliya uu ka dhasho isbeddel siyaasadeed oo horseeda helitaanka hoggaan cusub oo dalka ka saari kara xaaladda adag ee uu ku jiro.
  4. Musharaxiintu waxay ka digayaan wax kasta oo keeni kara musuqmaasuq siyaasadeed oo halis gelin kara inaan la aqoonsan natiijada doorashooyinka.
  1. Musharaxiintu waxay xusuusinayaan dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya inay ka fogaadaan wax kasta oo shaki gelin kara dhexdhexaadnimadooda iyo wax kasta oo muujin kara inay musharaxiin gaar ah taageerayaan.
  2. Musharaxiintu waxay ugu baaqayaan madaxda dawladda uu waqtigeedu dhamaaday inay joojiso adeegsiga awoodda iyo hantida qaranka in loo isticmaalo ololaha doorashooyinka.
  3. Musharaxiintu waxay xusuusinayaan hawlwadeennada dawladda iyo hay’adaha amniga inay waajib ku tahay inay dhexdhexaad ka noqdaan loollanka siyaasadda.
  4. Musharaxiintu waxay dalbanayaan in doorashada Madaxweynaha ay ka dhacdo goob amaankeedu uu sugan yahay, habraaca doorashooyinkuna uu daahfuran yahay, musharaxiintuna u siman yihiin.
  5. In warbaahinta Qaranka eey uwada sinaadaan Murashaxiinta oo dhan.
  6. Goluhu wuxuu u xilsaaray Ra’iisal wasaare kuxigeenkii hore Md. Riwaan Xirsi Maxamed & Md. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil isku duwida iyo maareeynta

arrimaha golaha.

Magacyadda:

DHAMMAAD

  1. Md. Shariif Sheekh Axmed
  2. Md. Maxamed Abdullahi Maxamed Farmaajo
  3. Md. Cali Maxamed Geedi
  4. Md. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  5. Md. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
  6. Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  7. Md. Siciid Cabdullahi Deni
  8. Md. Cabdillahi Xirsi Ciilmooge
  9. Md. Maxamuud Maxamed Culusoow
  10. Md. Cali Xaaji Warsame
  11. Md. Cabdiqaadir Cosoble Cali
  12. Md. Maxamed Cali Nuur Americo
  13. Md. Maxamed Cabdirisaaq Abuukar
  14. Marwo. Canab Maxamed Daahir
  15. Md. Siciid Ciise Maxamed
  16. Md. Cabdicasiis Xassan Camaloow
  17. Md. Maxamed Axmed Jabarti
  18. Md. Dr Cabdinaasir M. Cabdulle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com