23 maalmood kadib qadka Internet-ka koonfurta Somalia oo dib loo helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo 23 maalmood kadib ayaa waxaa qadka internet-ka dib looga helay Koonfurta Soomaaliya, kadib markii Fiiladii Internet-ka 24-kii Bishii hore uu jaray markab.

Maqnaanshaha Qadka Internet-ka ayaa wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshay shaqooyin badan oo dadka ay qabsan lahaayeen, waxaana taasi ay keentay in gaab ay ku yimaadaan shaqooyinkaasi.

Dowladda Somaliya oo juhdi badan ku bixisay sidii loo sameyn lahaa qadka Internet-ka ayaa ugu dambeyn maanta oo Isniin ah waxa ay ku guulaysatay sameynta Qadka Internet-ka inkastoo uusan aheyn sidii hore.

Shaqooyinka muddadii uu maqnaa qadka Internet-ka gaabka galay waxaa ka mid ah, bixinta Baasaboor Somaliga oo adeega Internet-ka lagu bixin jiray, shaqooyinka xawaaladaha, Idaacadaha iyo Hay’adaha NGO-yada ah.

Dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ayaa isugu hambalyeynaya dib u helida addeega Internet-ka ee Xawaaraha dheereeya oo muddo 23 maalin ah ka maqnaa Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Internet-ka ayaa ka mid noqday waxyaabaha dadka aduunka ku nool hadda ay toos ugu wada xiriiraan, maadaama aalado kala duwan oo casri ah lagu isticmaalo sida Facebook, Viber, IMO iyo qadad kale oo Bulshada ay ku wada xiriiraan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com