3da sifo ee Somalida: dhergan baahan, Dhibban xooggan, caqli dhoohan

1 – DHERGAN BAAHAN….Waxaan leenahay BAD xeebteedu ay 3 kun oo mayl ka badan tahay, ugu yaraan 8 boqol oo kun oo hecter oo dhul beereed carrasan ah, xoolaha nool ee Afrika ugu badan, ganacsiga waaba nalaka bartaa misna waynagaa aan abidna baahi ka raysan.

2 – DHIBBAN XOOGGAN……Dalalka caalamku waxay Soomaalida u arkaan dad dagaal badan oo waranlayaal ah sidaa darteed waxay ahayd in nalaka boqo, lkn maxay kuugu taallaa waa geesinimo inta badan ku dhamaata ciyaaraha sxbtinimo ee aan gudeheenna ka ciyaarno (Dagaallada lagu galo magaca odayaasha) ee gumaysina nagama badbaadinin dalkeennii la dhacayna nooma soo dhicin oo waa inagaa dhibanayaal ah.
3 – CAQLI DHOOHAN…..Dad badan baa Soomaalida u arka dad caqli badan waxaana lagu sheegaa dad si sahal ah wax ku fahma ama u barta, lkn caqligaasi 10% xitaa dhan cilmi loogama faa’iidaysanin oo dhanka uminimada aduunka kaalimaha hore ayaa nalaku qoraa, inaan anagu caqligaa walba ku kala badbaadnana haba sheegin, oo qolaba marbay isku jeesataa……Forza SOMALIA.ILAAH baa na hanuunin kara…..Balse hadii aynaan intaa wax ka qabanin rajadeennu waa iska hadii hadii iyo hal aan soo soconin, horumarna ha sugin.
 
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden