30-ka madaxweyne ee ugu mushaarka badan Afrika iyo halka uu uga jiro Farmaajo

Siyaasiyiinta ayaa akoonadooda ku rita lacago aad ubadan, laakiin waxaa aad uyar wax qabadkooda , waxaan aay ubaahan yihiin iney fakaraan oo ay dib u eegaan qarashaadka ay qaadanayaan.

Hadaba, waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa 30-ka madaxweyne ee ugu mushaarka badan qaarada Afrika waxaana liiska qeybta hore ugu jira madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Laakiin aan ku xasuusiyo maanta Afrika waxaa ay leedahay kheyraad ku filan, laakiin sidaas oo ay tahay dadka ayaa ah kuwa faqri ah waxaana maalintii uu qofkii ku nool yahay labo dollar cel celis ahaan.

Warbixin uu soo saaray Wargeys France laga leeyahay ayaa lagu soo bandhigay madaxda Afrika ee mushaarka ugu badan qaata sanadka 2017-ka.

Waxaa kaalinta koobaad ku jira madaxweynaha dalka  Cameroon Paul Biya oo qaata    US$610,000 sanadkii, halka Boqorka Morocco Mohammed VI uu ku jiro kaalinta labaad.

Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jocob Zuma ayaa sedex ku jira waxaana uu qaataa US$272,000 halka afar uu ku jiro madaxweynaha Tanzania.

Uhuru Kenyatta oo Kenya ah ayaa kaalinta 7-aad ku jira waxaana uu qaataa US$132,000, waxaana uu waxyar ka horeeyaa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo kaalinta 8-aad u jira.

Madaxweynaha Somalia ayaa mushaar ahaan sanadkii uqaata  US$120,000 taas oo ka dhigan in bishii isku cel cellis ahaan uu helo lacag ku dhow 10 kun oo dollarka Mareykanka ah.

HADABA Hoos ka daawo 30-ka Madaxweyne ee ugu Mushaarka badan Afrika & Lacagaha ay qaataan

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=2U_EzX-O5wE&w=640&h=360]

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com