Sawirro + Video + Warbixin: Muqdisho kala duwanaa shalay iyo Maanta

Tani ma ahan Muqdishidii lagu bartay dagaalada, dilka, dhaca iyo nidaam la’aanta, hada waa caasimadii Soomaaliya oo dhamaan waxyaabihii lagu tilmaami jiray bari ka noqotay.

Dib u dhis ballaaran ayaa ka socda, dhismooyin hor leh oo indhaha soo jiidanaaya ayaa kusoo kordhay, kuwo kalena dhismo ayaa ku socda, waxaana magaalada laga dareemayaa isbadal muuqda oo sanadaha soo socda ka dhigi doona caasimad la mid ah kuwa dalalka geeska Afrika ugu quruxda badan.

Kala duwan shalay iyo maanta, hadii shalay indhahaagu qabanayeen guryo ku burburay madaafiic aan loo meel dayin, maanta indhahaagu ma qabanayaan guryo ay reebeen raadadkii dagaalada, ee waxaa daawaneysaa Muqdishadii cusbeyd.

Dad badan ayaa sharciga iyo wadooyinka Muqdisho ee Booliska iyo Taraafikada kala hagayaan ay la yaab ku noqotay, halka dhalinyarada qaarkood ay ugub ku tahay iney arkaan nidaamka cusub ee Muqdisho ka hirgalay oo aysan horay u soo arkin ama dagaaladii iyo burburkii kusoo dhex koray.

Tan aad la fajaceyso ee lagu farxo ayaa ah muuqaalka hoose ee Video-ga oo Wariye tegay Muqdisho ka diyaariyay horumarka dhinaca ganacsiga iyo qaab cusub oo dadka ay ku iibsanayaan alaabaha daruuriga ah E-Cash oo ah qaab ku cusub dalka, waxayna dadka alaabahooda ku iibsanayaan E-Cash-ka oo Taleefanka Mobile-kaada aad wax walbo ku gadaneyso iyadoo dadka aysan wax lacag ah gacanta ku qaadaneyn.

Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa noqday kuwo dalkii ku laabtay oo ganacsigii sare u qaaday, iyagoo magaalada kusoo kordhiyay ganacsiga Makhaayadaha, Hoteeladda iyo goobaha dadku ay ku sheekeystaan oo qaab casri ah lagaaga iibinaayo wax walbo.

W/Q: Ali Muhiaddin
Warfaafiye.com

Halkan Hoose Ka Daawo Video-ga iyo Sawirrada

muq 1muq 2muq 3muq 4muq 5muq 7