4 jir Bastoolad ku dilay 2 jir la dhashay

Wiil afar jir ah ayaa si lama filaan ah waxa uu toogasho ugu dilay walaalkii ka yaraa, galabnimada Arbacadii tagtay, xilli ay ku cayaarayeen qoriga aabahood, guri ku yaala magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Booliska ayaa sidaas sheegay.

Sida ay yiraahdeen Booliiska, dhibanah oo laba jir ahaa, oo qoyskiisa ay magaciisa ku sheegeen Neegnco Xiong, ayaa geeriyooday kadib markii walaalkiisa uu bastoolad kasoo qaaday qolka jiifka, kadibna uu leebka ku dhagay xilli ay cayaarayeen.

Kooxaha cafaimaadka ayaa isku dayay inay bad baadiyaan Neegco, hase yeeshee waxa uu ku dhex geeriyooday gawaarida gurmadka, sida uu yiri Sgt. William Palmer, oo ka tirsan booliiska Minneapolis.

Waalidiinta wiilka geeriyooday Kao Xiong iyo Ma Vang iyo wiil saddexaad oo ah hal sano jir, ayaa guriga ku sugnaa xilliga dhacdadan

Waalidiinta ayaa la geeyay sladhiga booliiska si su’aalo loo weydiiyo, waxaana socda baaritaan la xiriira dhacdadan, ayada oo ay suurta gal in dacwado lagu soo oogo.

Dalka Mareykanka qof kasta gurigiisa wuu dhigan karaa hub, isaga oo maraya hab sharci ah.