99 jir Maxkamad loo soo taagay fal tuugnimo ah (Wax kasta filo)

BEIJING  – 99 jir u dhashay dalka China, ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada caasimadda ah ee Beijing, ayada oo lagu eedeynayo inuu ka xaday 750,000 oo Yaun una dhiganta (76,329 pound) nin Mareykan ah.

Warbaahinta dalka Shiinaha, ayaa waxay ay arbacadii soo warisay in ninkaasi uu yahay dambiilihii ugu weynaa ee Maxkamad lasoo taago gudaha dalka China.

Zhou Zhiping, ayaa dhashay sanadii 1913-kii, boqolkiisuna waa qariib, waxaana uu sheegay inuu ahaa guddoomiye gobol oo hore intii lagu guda jiray xukunkii wadiniyiinta China, ka hor intii aysan shuuciyiinta awooda qabsan sanadii 1949-kii.

Wargeyska Beijing News, ayaa kasoo xigtay Zhou, isaga oo sheegaya inuu xiriir la lee yahay hogaamiyayaasha China, ayna ka caawin karaan inaan hantidiisa la xanibin.

Sababo la xiriira da’diisa oo aad u weyn darted ayaa Zhou waxaa lagu sii daayay damaanad.

Waxaa kale oo la sheegay in dacwad oogayaasha ay gurigiisa su’aalo ku weydiiyeen.