Aadan Cadde, Siyaad Barre iyo 4 madaxweyne oo ay tahay inuu arrimo badan uga daydo Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa madaxweynihii 9aad ee loo doortay inuu hogaamiyo Umadda Soomaaliyeed tan iyo markii uu dalkeenu xornimada qaatay sannadkii 1960kii.

52 sanno jirkaan Farmaajo wuxuu ka mid yahay Madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya kuwoodii ay ugu jeclaayeen Shacabka Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne kasta oo soo maray Soomaaliya wuxuu lahaa dhaqan iyo hab maamul u gaar ah oo laga bartay intii uu xilka hayey.

Maqaalkaan waxaan kusoo bandhigi doonaa liiska afar Madaxweyne oo soo maray taliska Soomaaliya kuwaasoo ay tahay inuu Farmaajo isku helo dabeecado iyo hab dhaqan u gooni ahaa oo lagu bartay intii ay xilka hayeen si uu u noqdo midkii samata bixin lahaa Soomaaliya.

FARMAAJO WAA INUU FURFURNAANTA IYO BASHAASHNIMADA KA RAACO AADAN CADDE

Aadan Cabdulle Cismaan Daar (Aadan Cadde) wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, wuxuuna xilkaan hayey intii u dhexeysay 1960kii illaa 1967dii. Waxaa lagu sheegaa inuu ahaa Madaxweyne furfuran oo bashaash ah.

Dadkii aqoonta dhaw u ahaa Aadan Cadde waxay sheegaan inuu ahaa nin dadka aragtidooda dhegeysan jiray isla markaana ka qaadan jiray aragtiyada muhiimka ah. Aadan Cadde wuxuu lahaa hab dhaqan uusan ku wehlin Madaxweye kale oo Soomaali ah wuxuuna kaga duwanaa inaan Xafiiskiisa dadka laga celin jirin.

Madaxweyne Farmaajo waxay tahay inuu ka barto dhaqankaas isla markaana uu dhegeysto aragtidada dadka indheer garadka ah isagoo qaadanaya tallooyinka loo soo jeediyo ee dowlad wanaagga iyo maamulka caddaaladda ah la xiriira. Balse haddii uu kaligiis isku soo xiro xafiiskiisa Madaxtooyada oo uu soo dhoweysto keliya dadkii Ololaha kusoo caawiyey ma dhaafi doono heerkii dadkii isaga ka horreeyey.

FARMAAJO WAA INUU GEESINIMADA IYO DANTI AQOONSIGA UGA DAYDO MAXAMED SIYAAD BARRE

Maxamed Siyaad Barre (Jaalle Siyaad) wuxuu taliska Soomaaliya hayey intii u dhexeysay 1969kii illaa 1991dii, mudadaas wuxuu Soomaaliya ka dhigay mid ka mid ah dalalka isku tashada ee dhifka ah ee ku yaallay qaarradda Africa.

Jaalle Siyaad wuxuu ahaa Madaxweyne geesi ah, wuxuuna Soomaaliya u dhisay Ciidankii ugu xooganaa uguna geesisanaa Africa. Maadaama uu sidaas sameeyey waxay jiil kasta u qiimeyn doonaan inuu ahaa geesi markasta garanaayey inaan Soomaaliya la dhaafi doonin sidaas darteed u hub gurtay.

Intaas oo keliya ma ahan, Siyaad Barre wuxuu ahaa Madaxweye garanaaya danta dalkiisa iyo dadkiisa. Haddii aad la sheekeysato dadkii aqoonta dhaw u lahaa waxay kuu sheegayaan inuu heshiisyada ka eegan jiray dantiisa, haddii uusan ku arkin markaas wuu laali jiray isagoo aan u eegeyn xoogga dowladda uu heshiiskaani ka socdo. Sidaas oo ay tahay dowladihii uu saaxiibka la ahaa wax muuqda ayey u qabteen Soomaaliya, sida Shiinaha iyo Russia.

52 sanno jirkaan ku cusub taliska Soomaaliya Farmaajo haddii uu labadaan hab dhaqan uga daydo Siyaad Barre waxay ka caawin doontaa in aysan dalkiisa soo haweysan abeesooyinka isaga dhigaya arxameyaasha. Sidoo kale haddii uu markale Soomaaliya u dhiso ciidan xoogan, iyadoo haatan ciidankeenu ay yihiin boolis ku heybeysan AK47 oo aad tayadooda halkaas ka cabiri karto, Madaxweyne Farmaajo waxaa u sahlanaan doonta wadada guusha.

FARMAAJO DULQAADKA WAA INUU KAGA DAYDO CABDIQAASIM

Cabdiqaasim Salaad Xassan wuxuu xilka madaxweyne ee Soomaaliya qabtay sannadkii 2000 wuxuuna maamulka hayey illaa 2004tii. Dowladdiisu uma aysan guuleysan sidii la filayeeyey, si kastaba ha ahaatee, Cabdiqaasin illaa haatan waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa mid ka mid ah Madaxweyneyaashii ugu dulqaadka badnaa ee soo maray Soomaaliya.

Marnaba diyaar uma uusan aheyn inuu sii ballaariyo dagaalkii sokeeye, markasta wuxuu heegan u ahaa in wadahadal wax lagu dhammeeyo. Isagoo ka warqaba inay dowladdiisu tahay midda sharciga ah ayuu diiday inuu dagaal kula wareego xafiiskiisii sharciga ahaa Madaxtooyada.

Dulqaad ahaan wuxuu ahaa mid ku dayasho mudan inkastoo aysan waxba u suurtogelin, sidaas darteed Farmaajo wuxuu u baahnaan doonaa inuu dulqaad badan muujiyo waqtigaan wuxuu la kulmi doonaa beelo iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed oo dhaliilaya isna hortaagaya, balse waxaa looga baahan yahay inuu markasta raadiyo qorshe iyadoo uusan dhiig daadan la isugu keeno Soomaalida kala irdhootay.

FARMAAJO WAA INUU CODKARNIMADA UGA DAYDO SHIIKH SHARIIF

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa iska cad inuu ka mid ahaa Madaxweyneyaashii ugu fiicnaa Soomaaliya haddii afka la isku qancinaayo, wuxuu markasta awooday inuu dadka dhegahooda ku shubo hadallo naxariis leh, waana arrin uu taageero badan ku helay Aftahannimadiisu.

Sidoo kale, waxaa adkeyd inuu Shiikh Shariif galo qalad dhanka warbaahinta ah. Madaxweyne Farmaajo waxaa looga baahan yahay inuu wax badan afkiisa koontaroollo maanta oo aan ognahay in hadal qaldan oo kasoo baxa abid si qaldan loo turjimi doono.

Wuxuu u baahan yahay inuu markasta khudbadihiisa ku daro BAAQ NABADEED, waxaa kaloo madaxweynaha looga baahan yahay inuu xitaa dhimo wareysiyada uu bixinaayo haddii aysan lagama maarmaan aheyn sababtoo ah hadalkaaga oo bata wuxuu dhexda kaa dhigi doonaa qalad badan.

Tallaabadaas wuxuu ku maareyn karaa inuu sameysto afhayeen iyo koox u gaar ah oo saxaafadda u qaabilsan.

Halkaas ayaan falladeena kusoo afjari doonaa. Adiga ahaan maxaad ku dari laheyd, ma heysaa Madaxweyne Soomaali ah oo ay tahay inuu Farmaajo uga daydo hab dhaqan u gaar ahaa? Aragtidaada hoos inoogu reeb.

Waxaa Qoray: Cabaas Cali Xasan (Xaliye)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.