Aaway lacagtii Imaaraadka? (Hal madaxweyne kaliya oo laga helay dhaadhac)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mugdi sii gelaya doorka Imaaraadka Carabta ee Doorashooyinka Soomaaliya, kadib kulamo iyo is aragyo xiriir ah oo dowladdaasi Khaliijka Carbeed si aan hore loo arag u soo faragelisay.

Xog aan helnay ayaa iftiimineysa dhaqaale Imaaraadku siiyay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada oo magaalada Dubai ay ugu yeertay bishii Novembar 2016.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboleedyada oo dhaqaale siiya xildhibaanada lagu doortay magaalada Kismaayo, isagoo u sheegay in lacagtaasi laga helay Imaaraadka Carabta, isla markaana kula dardaarmay inay isku xirnaadaan oo ay yeesheen go’aan adag.

Axmed Madoobe ayaa min 10kun Doolar siiyay in ka badan 60 xildhibaan, waxaana uu aad uga duwan yahay madaxweynayaasha maamulada kale oo mid waliba xisaab gaar ah ku shubtay lacagtii Imaaraadka.

Madaxweynayaasha maamulada dalka ee Imaaraadka kharashaadka ku soo siisay qorshaha Doorashada waxay kala ahaayeen:-

1 – C/weli Maxamed Cali (Gaas)
2 – C/kariin Xuseen Guuleed
3 – Axmed Maxamed Islaam
4 – Shariif Xasan Sheekh Adaan
5 – Cali C/llaahi Cosoble

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com