Afgambi dadban oo ka dhacay Sacuudiga: Boqor Salmaan oo ceyiryey dhaxal-sugihii kuna bedelay wiilkiisa

Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdi Caziz ayaa sameeyay afgambi dastuuri ah kadib markii uu dhaxal sugihii 1-aad Amiir Maxamed Bin Nayif uu xilka ka qaaday isaga oo jagadaasi ku wareejiyay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdi Caziz.

Wiilka Salmaan Maxamed Bin Salman, marka laga soo tago dhaxal suge, waxaa kale uu isku heystaa jagooyinka kala ah ra’isul wasaare ku xigeen , wasiirka Gashaandhigga iyo jagooyin kale, waana ninka ugu awoodda badan hadda Sacuudiga.

Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah ayaa sii hayn doona wasaaradda uu ku magacaaban yahay ee gaashaandhigga, wuxuuna sidoo kale noqonayaa ra’iisul wasaare ku xigeen.

Isbeddellada ayaa lagu shaaciyey dikereetooyin boqortooyo oo is xig-xigay.

Wakaaladda wararka ee dawladda Sacuudiga waxay sheegtay in boqorka uu ku baaqay in shacabku ay daacadnimo ugu muujiyaan amiirka cusub magaalada Makka fiidnimada Arbacada.