Afhayeenka Aqalka Cad oo is-casilay goor dhow iyo mas’uul durba loo magacaabay

Washington (Caasimadda Online) –Wararka ka imaanaya aqalka cad ee looga arrimiyo dalkaasi Mareykanka ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhoweyd uu xilka iska casilay afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer.

Mr. Spicer ayay wararku sheegayaan in uu isku casilay sababo la xiriira caro uu ka qaaday soo magacaabid uu sameeyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo xubin cusub u soo magacaabay dhanka xiriirka aqalka cad.

Jagada uu banneeyay ayaa waxaa loo magacaabay nin magaciisa lagu sheegay Anthony Scaramucci.

Mr. Spicer ayaa durbo markii la magacaabayba waxa ay isku dheceen warbaahinta, waxaana uu ku eedeeyay in ay kasoo hor-jeedaan xukuumadda madaxweyne Trump.

Isbuucyadii lasoo dhaafay Spicer waxa uu ka gaabsaday in uu hor yimaadi warbaahinta, waxaana suuqa ku jirtay in laga xayuubinayo xilka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com