Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo iska casilay xilka uu u hayay Wasaarada

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu is casilay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somalia Axmed Maxamuud Maxamed ”Sayid Carab”.

Afhayeenka ayaa sheegay inuu iska casilay xilka uu u hayay Wasaarada Amniga Qaranka, iyadoo uu ka gaabsaday sababta is casilaada.

Afhayeenka ayaa sheegay inay jiraan sababo uu isaga casilay xilka, balse uu gadaal danbe kala wadaagi doono saxaafada.

Axmed Carab, ayaa sheegay in iminka uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Is casilaada Carab, ayaa kusoo beegmeysa xili maalintii Khamiista aheyd is casilay Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidamada Militeriga.

Ma jirto cid si rasmi ah ilaa iyo hadda ula socta sababta is casilaada Seddexda mas’uul oo uu ku jiro Afhayeenka Wasaarada Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com