Warbixin: Mungaab oo xilka ka qaaday afhayeenkii Gobalka Banaadir, Sabba?

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta oo Isniin ah xil ka qaadis ku sameeyay afhayeenkii horre ee gobalka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan, waxaana uu magacaabay afhayeen cusub.

Muungaab ayaa sheegay in uu doonayo maamulkiisa isbadal xooggan oo la rabo in laga dareemo degmooyinka gobalka Banaadir.

Afhayeenkii horre ee Maxamed Yuusuf ayaa akhriyay digreerto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobalka Banaadir, oo lagu magacaabay Cabdi Baasid Maxamed Cabdiraxmaan oo noqonaya afhayeenka cusub ee gobalka Banaadir.

Maxamed Yuusuf waxaa kaloo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in guddoomiyaha gobalka Banaadir Muungaab uu xilka ka qaado isla markaana uu u dhiibay qof ku haboon sidda uu yiri.

Afhayeenka cusub ee maamulka gobalka Banaadir, Cabdi Baasid Maxamed Cabdiraxmaan ayaa isna goobta ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka lagu wareejiyay, isla markaana uu soo dhaweenaayo afhayeenkii horre howsha uu qatay.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay warbaahinta Muqdisho in ay la shaqeeyaan si loo sii wado howlaha lagu horrumarinaayo magaalada Muqdisho.

Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir, waxaa uu waday xil ka qaadis, isagoona intii badneed shaqaalihii horre ee maamulka gobalka Banaadir xilka uu ka qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com