Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan Iyo Xeeb oo goordhaw lagu dilay Mogadishu

Mogadishu (Caasimadda Online) – Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey ayaa waxaa goordhow lagu dilay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan ee magaalada Mogadishu.

Maxamed Cumar Hagafeey ayaa waxaa la xaqiijiyey in lagu dilay agagaarka Isbitaalka Digfeer oo ay dib u hagaajin ku sameeyeen dowladda Turkey ka dib markii ay gaarigiisa weerar kusoo qaadeen dableey hubeysan oo aan heybtooda la garan.

Ilo wareedyo ay la hadashay Caasimadda Online ayaa inoo xaqiijiyey in gaariga dhexdiisa lagu rasaaseeyey Maxamed Cumar Hagafeey iyadoo uu halkaas ku mayday waxaana dadkii dilka geystay u suurtogashay inay meesha ka baxsadaan.

Dilkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli goordhoweyd Isgoyska Ceelgaab ee magaalada Mogadishu lagu dhaawacay Jeneral Xasan Dheere, kaasoo weerar weerar qorsheysan lagu soo qaaday.

Xasan Dheere wuxuu Taliye Ku Xigeen ka ahaan jiray Ciidamada NISA.

Caasimadda Online

Xafiiska Mogadishu

Caasimada@live.com