Maxaa kaaga baxay qodobadii laga soo saaray Shirka Madasha Wasaaradaha Dastuurka DF iyo Maamul Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayaa Muqdisho ku soo gabagaboobay kadib labo cisho oo uu socday.

WAR-MURTIYEED

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), waxay qabatay kulankii labaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho 21-22kii Sabtembar 2017.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

UJEEDOOYINKA KULANKA LABAAD EE MADASHA:

1-Isbarashada, soo dhaweynta iyo xog is dhaafsiga Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

2-Sidii Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada looga taageeri lahaa howlaha culus ee loo igmaday lana xiriira Dastuurka gaar ahaan arrimaha waxbarashada madaniga iyo wacyi gelinta dadweynaha.

3-In si wada jir ah loogu diyaargaroobo Shirweynaha Qaran ee daahfurka ololaha Dib-u-Eegista dastuurka kaasoo dhici doona 8–10ka Oktoobar 2017.

MADASHA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:

1) Madashu waxay soo dhawaysay una hambalyaysay Wasiirada cusub ee Arrimaha Dastuurka Dawlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

2) Madashu waxay ammaan u soo jeedisay daahfurnaanta ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ku hogaaminayso hannaaka Dib-u-Eegista Dastuurka.

3) Madashu waxay aad u bogaadisay dhismaha Madashaniyo kulamada wadatashiga joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dastuuka XFS ay la yeelanayso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

4) Madashu waxay taageertay natiijadii ka soo baxday kulankii lagu diyaariyay Qabyo-Qoraalka Istaraatijiyada Waxbarshada Madiniga, Waci-gelinta bulshada iyo Latashiyada Dadweynaha ee lagu qabtay Magaalada Muqdishu 7-10kii Agoosto 2017, kasoo ay ka soo qayb galeen Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Xubno ka tirsan bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan iyo xeeldheerayaal dhanka arrimaha waxbarashada madaniga iyo wacyi-gelinta bulshada.

5) Madasha waxaa ka go’an daadejinta wacyigelinta bulshada iyo waxbarashada madaniga illaa heer gobol, degmo iyo tuulo,iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.

6) Madashu waxay hoosta ka xariiqday in la isku tashado islamarkaana loo hawlgalo sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu dardargelinayo waxbarashada madaniga, wacyi-gelinta bulshada iyo latashiyada dadwaynaha, si loo dhamaystiro Dib-u-Eegista Dastuurka.

7) Madashu waxay isla garatay in kulanka saddexaad ee madasha lagu qabto Dowlad Goboleedka Puntland.

8) Madashu waxay soo dhaweysay shirweynaha qaran ee daahfurka Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho 8 – 10 Oktoobar 2017 kaasoo uu furidoono Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, soona xiri doona Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

9) Madashu waxa ay ku baaqaysaa in hay’adaha ku shaqada leh Dib-u-Eegista Dastuurka ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.

10) Madashu waxay soo dhaweysay ayna bogaadisay taageerada dhaqaale ee Maamulka Gobolka Banaadir uu kaga qayb qaadanayo shirweynaha qaran ee daahfurka ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka.

11) Wasaaradda Arrimaha Dastuurku XFS waxay mar kale ballanqaaday in ay ka shaqeyneyso sidii loo taageeri lahaa Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyadaiyo Maamulka Gobolka Banaadir si ay howlahooda u gutaan.

12) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa doorka madaxda sare ee qaranka iyo sida ay uga go’antahay dib-u-Eegista iyo dhameystirka dastuurka waxayna ka codsanaysaa in ay sii laba laabaan dadaalkooda ku aadan Hannaanka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

13) Madashu waxay u mahad celinaysaa beesha caalamka taageeradooda ku aadan hanaanka Dib-u-Eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

—DHAMMAAD—