Akhriso: Dhowrka bil ee uusan shaqeyn maamulka HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Cali C/laahi Cosoble, ayaa lagu eedeeyay in maamulkiisa uu yahay shaqo gab kadib markii uu wakhtiga ku dhameystay Safaro iyo shaqo ka maqnaashi joogta ah.

Hogaamiyaha ayaa la sheegay inuu dayacay howlaha maamulka, isla markaana uu fadhiid ka dhigay Golayaasha uu maamulka leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Maamulka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle C/waali Maxamed Caddow, ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle uusan shaqeyn mudo dhan 9 bilood oo xiriir ah.

Waxa uu Wasiirka sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay in Maamulka oo idil uu u shaqeyn waayay Hogaamiyaha dartii, waxa uuna cadeeyay in shaqo la’aanta uu sabab u ahaa Hogaamiyaha.

Waxa uu sheegay in Hogaamiyaha, Wasiirada iyo Xildhibaanada baarlamaanka ay gabi ahaan deegaan ka dhigteen magaalada Muqdisho, taana ay ugu wacan tahay howlgabnimada Hogaamiyaha.

Waxa uu tilmaamay in xiliyada qaar ay dhacdo in Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada aysan is arag sababo la xiriira Xarumaha maamulka oo aan joogin mas’uuliyiinta maamulka ee dusha saartay wax u qabashada shacabka.

Waxa uu intaa raaciyay in maamulka uusan shaqo u heyn dadka shacabka ah, balse mas’uul waliba uu yahay mid ay u muuqato dantiisa gaarka ah.

Wasiir Caddow, waxa uu Hogaamiyaha maamulka ku eedeeyay inuu ka baxay Heshiis ay wada galeen Golaha Wasiiradda, kaa oo ilaa iyo iminka la fulin, sida uu hadalka u dhigay.

Heshiiskaas ayuu ku sheegay inuu ahaa inaan leysku shaandheyn doonin Golaha Wasiiradda,waxaana uu intaa raaciyay in Hogaamiye Cosoble uu gabi ahaan Heshiiskaasi u rogay ballankabax iyo inkiraad.

Haddalka Wasiir Caddow ayaa kusoo aadaya xili Hogaamiyaha maamulka laga diyarinaayo Mooshin salka ku haya waxqabasho la’aan.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com