Akhriso: Dolwadda oo si rasmi u caddeysay mowqifkeeda xil ka qaadistii Cosoble

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ayaa mowqif cad ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyadoo taageertay go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga tuureen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble oo diiday inuu aqbalo xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa oo waraaqdaan soo saaray ayaa shegay inay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo go’aanka Baarlamaanka Hirshabelle

Go’aankaan ayaa imaaday kadib markii ay dowladda Soomaaliya u dirtay Jowhar wafdi xaqiiqo raadin ah oo soo ogaaday in inta badan xildhibaanada Hirshabelle ay isku raacsan yihiin xil ka qaadistii lagu sameeyey Cosoble.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.