Akhriso: Farmaajo oo lix arrimood uga hadli doona shirka ka furmaya Camaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Camaan ee caasimadda dalka Urdun, uga qeybgali doona Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha ayaa Shirweynaha 28-aad ee Madaxweynayaasha iyo Boqoradda Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta kusoo bandhigi doona Ajandooyinka Dowladiisa.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu ka furmo magaalada Camaan ee caasimadda dalka Urdun, iyadoo ay halkaa ku sugan yihiin dhammaan Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Farmaajo ayaa Khudbad ka jeedin doona Shirka waxaana lagu wadaa in Khudbadiisa uu diirada ku saaro qodobada kala ah:

1-Siyaasada 4-ta Sano oo ay hiigsan doonto Dowladiisa.

2-Wax ka qabashada Amniga Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo kaalinta kaga aadan Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

3-Garab istaaga Dowladiisa ay uga baahan tahay Ururka Jaamacadda Carabta.

4-Xiriirka Caalamiga iyo kor u qaadida Ganacsiga.

5-In garab laga siiyo Tayeynta iyo Qalabeynta Ciidamada Qaranka Somalia.

6-In Somalia laga garabsiiyo dhanka Miisaaniyada mudada ay kasoo kabaneyso Dowladiisa.

Shir Madaxeedkan ayaa ka duwan kii sanadkii hore lagu qabtay dalka Mauritania oo ay ka qeybgaleen sideed hogaamiye oo qura, waxaana la xasuusan yahay in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii ka baaqsaday ka qeybgalka shirkaasi.

Geesta kale, Shir madaxeedkan maanta ka dhacaya dalka Jordan ayaa lagu tiriyaa kii ugu badnaa ee hogaamiyeyaasha Carabta ay ku kulmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com