Akhriso: Labada Qodob ee ugu sameeynta badan War Murtiyeedka kasoo baxay Kismaayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa soo saaray war murtiyeed ka koobnaa 16 qodob oo xasaasi ah.

Haddaba dadka falanqeeyo Siyaasadda Soomaaliya ayaa kasoo dhex bixiyey labada qodob ee ugu saameynta badan War Murtiyeedkaas.

1- Go’aan: Golaha waxay ku dhawaaqeeyn inay gebi ahaanba hakiyeen dhammaan howlaha la xiriiro Xeerarka iyo dib u eegista dastuurka inta laga xalinayo Khilaafka jiro isla markaasna laga heshiinayo habka loo qeybsanayo awoodaha iyo Kheyraadka, sida ku cad qodobka 14-aad ee war murtiyeedka kasoo baxay Madaxda Maamul Goboleedyada.

Wuxuu ka hadlayaa in joojiyo howlihii ugu muhiimsanaa ee loo igmada dowladda Federaalka iyo xukuumadda Soomaaliya oo ah: Dib u eegista Dastuurka, taasoo ay ku xireen in marka hore heshiis laga gaaro arrimaha: Qeybsiga kheyraadka iyo awoodaha fulinta ee dalka.

2- Khilaafka Dowladda:  Waxay Madaxda Maamul Goboleedyada dowladda Dhexe ugu baaqeyn inay wada tashi la sameyso Dowlad Goboleedyada, iyagoo soo daliishaday Qodoka 53 ee Dastuurka Federaalka soomaaliya, waxayna tilmaameyn inay lagama maarmaan tahay in lagala tashto go’aanada masiiriga ah ee sida tooska saameynta ugu yeelan karo Deegaanada ay maamulaan, waxayna soo jeediyeen in Khilaafyada dhasho lagu xaliyo sida ay ku jirto danta Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa hadda jiro oo ay ula jeedaan in xiriirka loo jaro dowladda Qatar lana taageero Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo ay aaminsan yihiin inay dan ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com