Aqriso: Liiska magacyada gudiga doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa xili hore Beesha Caalamka u gudbisay Liiska Guddiga Doorashooyinka dalka.

Liiskaani ay Dowlada u gudbisay Beesha Caalamka ayaa ka kooban 22 xubnood oo ay DFS usoo xulatay maamulida hanaanka doorasho ee dalka.

Maamulk Goboleedyada ayaa Guddigaan waxaa ugu jira min Labo Xubnood oo ay soo Xusheen Hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ka tirsan Xukumadda Somalia iyo Xubno kale oo ka socda Saddexda Xafiis ee kala ah kala ah Madaxtooyada,Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Somalia.

HOOS KA AKHRISO LIISKA LA GUDBIYAY

1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS

2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS

3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS

4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS

5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS

6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan

7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan

8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan

9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan

10-Barlin Cadami , Aqoonyahan

11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland

12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan PL

13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland

14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan JL

15-Cabdiraxmaan Aadan sate , Wasiir Koonfur Galbeed

16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan KG

17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug

18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan GM

19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland

20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland

21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan

22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.

Guddigaani ayaa waxaa ka fadhiisan doona Wakiilada Beesha Caalanka ka jooga Somalia, waxaana shaki laga muujinayaa suuragalnimada gudigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com