Akhriso magacyada musharaxiinta maanta ee guddoonka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Baarlamaanka Somalia, ay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Musharaxiinta uu loolanka u dhexeeyo ayaa goordhow la filayaa inay hortagaan Xildhibaanada Baarlamaanka oo cododkooda uu noqon doono midka lagu soo baxaayo.

Musharaxiinta Saakay hortagi doona Baarlamaanka ee u sharaxan Guddoomiyenimada BFS, ayaa kala ah:

1-Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

2-C/fitaax Ibraahim Geeseey.

3-Idiris Cabdi Dhaqkhtar.

4-C/rashiid Maxamed Xidig.

Musharaxiintaani oo garab ka helaaya Madaxtooyada Somalia, Dowladaha deriska la ah Somalia iyo Maamul Goboleedka ayaa saacadihii ugu danbeeyay xusul duub ugu jiray uruurinta Xildhibaanada.

Dadka qaar ayaa saadaalinaaya in mar kale uu soo laaban doono Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka dhacay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Lama oga Musharaxa ku guuleysan doona doorashada waxaase la filayaa in goordhow ay magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada oo iminkaba loo xiray waddooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com