Akhriso liiska magacyada musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ay ka dhacdo Doorashada Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa hortagi doona Musharaxiinta u tartameysa xilalka Guddooomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo heysta fursadihii ugu danbeeyay ayaa iminka isku diyaarinaaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa qabashadiisa u taagan ilaa Lix Musharax oo kala ah.

1-Faarax Sheekh C/qaadir.

2-Jeylaani Nuur Iikar.

3-C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

4-Khaalid Macow C/qaadir

5-Saciid Xuseen Ciid.

6-Khadiija Maxamed Diiriye.

Musharaxiintaani ayaa waxaa ugu miisaan culus laba Xildhibaan kuwaa oo la saadaalinaayo in midkood uu xilkaasi qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com