Akhriso liiska Magacyada musharaxiinta guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka Somalia.

Doorashada ayaa waxaa ku loolamaaya Musharaxiin dhowr ah, kuwaa oo doonaya in mid waliba uu buuxiyo booska Guddoomiye ku-xigeen.

Kursiga Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, ayaa waxaa ku loolamaaya 10 Musharax, waxaana tiradaasi looga baahan yahay Hal Guddoomiye.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow lagu wadaa inay gaaran Xarunta Golaha si halkaasi ay ugu doortaan Guddoomiye ku xigeenka 2-aad.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka waxaa u tartamaya 10 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1-C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

2-Mahad Cabdalla Cawad.

3-Burhaan Aadan Cumar.

4-C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla)

5-Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

6-C/wali Maxamed Qanyare.

7-C/laahi Goodax Barre.

8-Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

9-C/wali Ibraahim Aadan(Ibbi)

10-Maryan Axmed Haaruun

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, ayaa waxaa ku jira Xildhibaan dhowr ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii hore iyo tan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com