Madaxweyne Farmaajo oo goordhow magacaabay xil muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa goordhow magacaabay la-taliyihiisa dhanka arimaha Bulshada, sida lagu sheegay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha ayaa Digreetada ku magacaabay Caasho Abokar Qaasim, oo noqoneysa la-taliyaha dhanka arimaha Bulshada Madaxweynaha Somalia.

Haweenaydaan ayaa la sheegay inay khibrad u leedahay dhanka arimaha Bulshada, sidaasi awgeedna loogu magacaabay xilkaan.