Akhriso: Magacyada 35-ka Ruux Ee Caafimaadka Loogu Qaaday Trukiga (Sawirro)

Muqdisho (caasimadda Online) – Maanta oo Isniin ah waxaa dalka Turkiga caafimaad ahaan loogu qaaday 35 qof oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii maalin kahor ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dadkaan usoo diray diyaarad gaar ah oo nooca ciidanka ah, waxaana sidoo kale magaalada Muqdisho yimid wasiirka caafimaadka ee dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo xubnpo kamid ah golahiisa wasiirada ayaa ku sugnaa garoonka Aadan Cadde marka la qaadayey dadkaan.

Dadka la qaaday ayaa ah kuwo xaaladooda adag tahay islamarkaana dalka gudahiisa aan waxbo looga qaban karin.