Akhriso Magacyada: Shabaab qorsheynayey inay Maalinta Ciidda Weeraraan Magaalo Africa ku taal oo la qabtay

0

Mombasa (Caasimadda Online) – Ciidanka la dagaalanka argagixisada dalka Kenya ee the Anti-Terrorism Unit (ATPU), ayaa howlgallo tan iyo shalay ay ka sameeynayeen magaallooyin kamid ah dalka Kenya waxaa ay kusoo qab-qabteen dad badan oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada.

Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xiray afar qof oo ay sheegen inay yihiin kuwo argagexiso ah waxaana lagu soo oogay dacwad ku aadan inay qorsheenayeen weeraro munaasabadaha iida inta lagu guda jiro inay ka geestaan dalkaasi Kenya.

Seddex kamid ah ayaa lagu qabtay degaanka Voi waxaana booliska oo soo bandhigay magacyadooda iyo sawiradooda ay faah faahin uga bixiyeen magacyada raga gacanta lagu soo dhigay.

Ragga gacanta lagu dhigay ayaa lagu kala magacaabaa, Yaxye Salim Bakari oo ah macalin, Julius Mwandenzi alias Zinde, Zebebwa, Ibras iyo Abdallah Ramadhan.

Waxaa baxsaday qof shanaad oo ilaa hada aan la ogeyn meesha uu joogo,ciidamada la dagaalanka argagexida ayaa u dhacay guryo dadkaan ay ku jireen oo degaanka Voi ku yaala.

Sarkaal diiday magaciisa in warbaahinta loo adeegsado ayaa u sheegay wargeyska the Star in eedesanayasha 5ta ah ay askareeyen dhalinyaro da’dooda u dhaxeyso 16 ilaa 17sano kuwaasi oo ku biiray dhaq dhaqaqa Al-shabaab.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in maclumaadka sirta ee horseeday ragaan in lasoo qabtay ay soo siyeen saraakisha Kenya ee Soomaaliya jooga uuna ka baxsaday mid kamid ah ragaasi inta uu howlgalka socday.

Bishii April, ciidanka ATPU, ayaa gacanta ku dhigay Athman oo ahaa nin ay ciidamada si weyn u badigoobayeen.

SHARE