Akhriso: Qabiilada ay ka soo kala jeedaan gudoomiye ku xigeenada iyo xoghayaha gobolka Banaadir loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada online) – Waxaa maanta is badal lagu sameeyay  hogaanka sare ee maamulka Gobolka Banaadir , waxaana lagu dhawaaqay gudoomiye ku xigeenada gobolka iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir

Haddaba caasimadda online ayaa idiin soo gudbineyso magacyada , xilalka, iyo qabiilada ay kasoo kala jeedaan xubnaha maanta lagu dhawaaqay

1-Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa loo magacaabay Marwo Muluuka Dheere Sheekh Cabduqaadir Wa Beelaha Cad Cadka “ Reer Xamar”.

2- Guddoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay Mudane Saalax Sheekh Maxamed Waa Hawiye—Murusade

3- Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay Mudane C/llaahi Xaaji Erig Waa Habar Gidir—Sacad.

4- Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali Habar Gidir—Duduble.

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Marwo Subeyda Maxamed Mukhtaar Waa Digil iyo Mirifle—Raxa Weyn.