Somaliland oo shaacisay tirada dadka isku diiwaan galiyay doorashada

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay tirada guud ee isku diwaangalisay Doorashada.

Guddiga oo maanta shir ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dadka isdiiwaangaliyay ay tiradooda gaareyso 873,331.

Guddiga waxa uu sheegay in dadkaasi isdiiwaan galiyay ay ka qeyb galayaan Doorashada.

Sargaal ka tirsan Guddiga Doorashada Somaliland oo lagu magacaabo C/fataax Ibraahim Xasan ayaa sheegay inay bilaabayaan bixinta kaararka codbixinta 29-ka Bishan April ee sanadkan.

C/fataax Ibraahim Xasan, waxa uu sheegay in sharciyada u degsan isdiiwaan galinta ay kamid tahay in qof kasta oo isku daya in mar wax ka badan is diiwaangeliya uu weynayo xaqii codeynta iyo kaarkaba.

TIRADA ISKA DIIWAAN GALISAY GOBOLADA

1-Gobolka Awdal waxa iska diwaangaliyey dad lagu qiyaasay: 147,031.

2-Gobolka Maroodi jeex waxa iska diwaangaliyey dad lagu qiyaasay 312,634.

3-Gobolka Saaxil waxa iska diwaangaliyey dad lagu qiyaasay 78,842.

4-Gobolka Togdheer waxa iska diwaangaliyey dad lagu qiyaasay 178,506.

5-Gobolka Sool waxa iska diwaangaliyey dad lagu qiyaasay 71,096.

6-Gobolka Sanaag waxa iska diwaangaliyey dad lagu qiyaasay 85,222.

Wadarta guud ee dadka isku diiwaan galiyay Doorashada ayaa dhan 873,331.

Dhinaca kale, Doorashada Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa la qorsheynayaa in la qabto batamaha Bisha 11-aad ee sanadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com