Akhriso: Tirada mas’uuliyiinta degmada Wadajir ee qaraxii maanta wax ku noqotay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa maanta ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan xarunteeda waxaa ay waxyeelo ka soo gaartay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta degmada.

Sida ay sheegayaan wararka, Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laaahi Xasan waxaa soo gaaray dhaawac fudud, waxaana la sheegaa in xaaladiisa aad u fiican tahay.

Waxaa jiray oo kale in goobta ku geeriyooday mid ka mid ah mas’uuliyiinta Sportiga degmada halka uu ku dhaawacmay guddoomiyaha Sportiga degmada Wadajir.

Dadka kale ee uu dhaawaca soo gaaray waxaa ka mid ahaa Xogheyaha degmada oo wararka waxaa ay sheegayaan in dhaawiciisa fududaa isbitaalkana laga fasaxay iyo guddoomiyaha dhalinyarada degmada oo isna dhaawac soo gaaray.

In ka badan 17 ayaa ku dhimatay halka tiro intaasi ka badan ku dhinteen qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay xarunta degmada Wadajir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com