Wareegto Kasoo baxday Xaaf oo lagu magacaabay Caasimadda kumeel gaarka ah ee Galmudug iyo Cadaado oo….

Cadaado (Caasimadda Online) – Axmed Geelle Ducaalle Xaaf oo dhawaan loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug ayaa soo saaray wareegtadiisii ugu horeysay, wuxuuna wareegtaan kusoo saaray Caasimadda Kumeel gaarka ah ee Maamulkiisa.

Xaaf ayaa mar kale Cadaado u aqoonsaday inay noqoto caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Galmudug.

Sida uu qabo dastuurka Galmudug, Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Galmudug waa Dhuusamareeb, lamana ogo waqtiga rasmi ah ee halkaas loo guuri doono, maadaama weli aysan heshiis Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Madaxweyn Xaaf ayaa ballan qaaday inuu Ahlu Sunna kusoo dari doono maamulkiisa, waxaana laga sugayaa ballan qaadkiisa ahaa inuu Galmudug geeyo Dhuusamareeb isla markaasna uu qanciyo Ahlu Sunna si loogu shaqeeyo Caasimadda Rasmiga ah ee Dhuusamareeb.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday Xaaf