Al-Shabaab oo si cajiib ah u fashilisay weerar kaga soo wajahnaa Mareykanka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa shalay fashiliyay weerar kaga soo wajahnaa Ciidamada Jubbaland, Amisom iyo ciidan caddaan ahaa, oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ciidamada Mareykanka ka joogga Somaliya.

Ciidamadan oo ka dhaqaaqay Magaalada Kismaayo, kuna wajahnaa Deegaanka Yoontooy oo 20km u jirta Kismaayo, ayaa waxaa qaraxyo lagula beegsaday Yoontooy, xilli ay ku raadjooggen Shabaabka.

Gaari Cabdi Bille ahaa oo ay la socdeen Ciidamada Jubbaland, ayaa lala beegsaday qarax lagu diyaariyay deegaankaasi, iyadoona ay waxyeelo ka soo gaartay in ka badan toban askari oo gaarigaasi la socotay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in qaraxaasi ay ku dhimatay ugu yaraan toddobo askari.

Qaraxa labaad, ayaa waxaa daqiiqado ka dib lala eegtay gaari kale oo Prada ahaa, oo ay la socdeen ciidan kaloo kuwa Jubbaland ka tirsan, waxaana markale ka soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada Isbahaysiga, ayaa qaraxyadaasi ka dib ku khasbanaaday inay joojiyan hawlgalkaasi, mana jirin dagaal toos ahaa, oo ay kala kulmeen mintidiinta Al Shabaab.

Ilo wareedyo, ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay ciidamadaasi dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo, oo markii horeba ay ka ruqaansadeen.

Ciidamada iska kaashanaya dagaalka lagula jiro argagixisada Somaliya, ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay kordhiyay beegsiga lagu hayo xarumaha, ay argagixisadu ku leedahay Koonfurta Somaliya.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

SHARE