ALLA RAJIIMYADU ISU RAAD EKAA!

Dadka qaar eraga RAJIIM maqalkiisa ma jecla, inay dhibsanayaan kuma ekaystaan, ee waxay la soo boodaan inay difaac aan loo joogin la soo shir tagaan, sax iyo qaladba, eraga RAJIIM qof gaar ah tilmaam uma ahan, haddii uusan u dhaqmin sida lagu yaqaan, marka waxaan dhihi lahaa CAADI iska dhiga, idinkoon ku xiiqin difaac aan la idiin ogayn, UJRO iyo AJAR midna aad ka helaysan aan la aqoon.

Faalladan oo aad u koobnaan doonta, waxaa igu diray qoraalkeeda, waa waxa ka dhacaya Masar, oo Soomaali badan iyo REER GALBEEDka qaarkooda oo dan  ka lahaa taageray KACDOONKA CARABTA! dab badan baa qoraal iyo qawl ku soo jeedshay xilligaa in sida Carabta oo kale la sameeyo KACDOON anigu waan dhaliilsanaa, wax kalana ma ahayn, dhacdadaa waxaa dabada ka waday oo taageero dhaqaale, dhan walba kala taagnaa, markii ay TAANGI tagtana ugu Tabarrucay.

Intaa kaliya ma ahayn, oo waxaa loo sahlay adeegsiga waxan loogu yeero Social Network, maxaa yeelay marka laga reebo HAYE RAACNIMADA iyo inta ISLAAN aan jirin ka urinaysay KCDOONKAA waxaa Siroodnka Maraykanku qorshyeynayey in ka badan laba sano, oo haddaa maxaa u fududeeyey? LUQMADDII CAYSHKA oo noqotay mid LUUQ gashay, ayna u sii dheer tahay markii hore oo aanba XORRIYAD jirin! Qofkii Carabiga wax ka fahmaya liilkan hoose ha ka sii dhigto

http://www.alawan.org/%D8%A7%D9%84%D8%B1%D8%A8%D9%8A%D8%B9-%D8%A7%D9%84%D8%B9%D8%B1%D8%A8%D9%8A%2c10792.html

Intaa haddaan uga haro, maanta maxaa Masar ka socda? Haddii ISLAANKII guulaystay, waliba nin Xabsi ku jiray markii KACDOONKU dhacayey Madaxweyne loo doortay, maxaa xigay? Sidii caadada ahayd, ee laga filan karay WADAAD walba ayuu u dhaqmay, oo ah inuu AWOODDII dhan isagu isa siiyey, kaaga darane xitaa laalay MAXKAMADDA SARE, oo ah unugga kaliya ee duri karta WAREEGTA MADAXWEYNE ahna xarunta ugu dambaysa e lagu kala boxo!

Hadduu taa yeelay maxaa xigay? Adba TVyada daawo, bal sooyalka dib aan u eegno, Ina Cabdille Xasan oo dadka qaarkii yaqaan HALYEEY iyo HALGAMAA weyn ayaa ah RAJIIMKII ugu horreeyey ee Soomaali soo balleeya, una noqday HALDOOR ay ku daydaan, bal adba ma aragtay KALI TALIYE aan isagoo kale noqon ama aan aadeegsan HABDHAQANKIISII oo kale? Waa ninkii laga dhaxlay eraga ah: WAA XUJOWDAY! Bal hadday aragtidaadu XUJO iyo QAAN kugu noqoto, maxaa nolosha ka haray?

Sidoo dadka u dhibaayey, xoolahoona u dhacaayey, Geelooda u boobayey, caay iyo aflagaaddana ugu sayrinayey, ayuu markii dambe wuxuu ku dambeeyey GALBEED U CARAR! Maadaama uu ISLAAMkuu isku sheegayey inuu dadka Allahood u daayo u diid, illeen waa KALI ISLAAME!

Waxaa noo xigay AABBII GARASHADA, Maxamed Siyaasad Barre, isna sidii loogu heesayey ayuu u maleeyey inuuba yahay MAHDIGA aan dhicin iyo MAGANKA aan la moodi karin, hadduu garan waayey in xilku meerta yahay, markii horana marooqsi ku yimid, ayuu ku darsaday duqayn, dil, afduub iyo bara kicin, isna barqa cad ayuu isaga cararay, kuna geeriyooday dal shisheeye, malaha taa marna niyaddiisa kuma soo dhicin?.

Haddi ha illoobin inta QABQABLE afduubka nagu haysatay muddada dheer, iyagu RAJIIMNA ma gaarin RAQNA kama kacaan! Soomaalidu waxay isla dhex maraan in Qaddafi yiri: “In KACDOONKAYGU ma xalaalsanaa kii Siyaad Barre waxaa u daliila inuu ka cimra dheeraa!” kaba dhige, inta uu ka dambeeyey inuu ahaa Caws geeriyaade, isna xaggee ku dambeeyey? Isagoo GOD ku jira sidii KASHIITADII oo kale oo madax ku raamo leh laga soo qabtay, taa ma inuu kali ku yahay baad mooddaa? Bal xasuuso Saddam oo isna GOD laga soo qabtay inta timihii ku bexeen aad moodda Geed Hindi, kaba darane afka Toosh iyo Nolal looga hayo, sidii Tahriib shan maalin bad ku so jiray oo aan biyo iyo baad arag!

Haddii Bin Cali loo baxshay “ORDAAYE”, haddii Cali Cabadda Saalax xilka isaga tagay, haddii Bashaarka Suuriya uu Ciddi ku taagan yahay, oo waliba hadda Mucaaradkana lagu hubaynayo, ayuu Madaxweynaha Masar ee Mursi ku dhaqaaqay tallaabo aad u qallafsan, keentayna dhimashada toboneeyo qof, halka dhaawacu kor u sii dhaafayo 800 oo qof, bal adba maanka gali ISLAAMKII ahaa: “Qofka AFKIISA iyo ADDINKIISA in lana nabadgalo?” Marka ay rabaan ayey sidaa dhahaan? Marka ay dadka siyaasad, maamul iyo awood qaybin ku dilayaan ku silciyanayaan intaa iyo inta la midka ah ee diinta ku jira dhammaan ma shaqeeyaan, haddii aan si ku meel gaar ahba diinta looga tirin, maya loogaba saarin!

Haddaba, Masar haddii RAJIIM Mabarak laga ceyrshay, ee waliba sariir caafimaad korkeed lagu maxkamadeeyey, maanta inta dhimanaysa saw xil kama saarna madaxweyne Mursi, ee dalkii ka soo kabanayey RAJIIMKA iyo KALI TALINTA loogu badalay RAJIIM kaba sii daran? Hadduusan sidan wax ka badalin, kolleey isna ka dambayn maanyo Mubarak.

Kor kaliya ha eegin, ee bal eeg Xamar, Haddii kuwii isqabqabsi iyo QANDI aan buuxsamin waqtigii ku dhammaystay, lagu badalay kuwo kale ayaa waxaa la gaaray sida la yiri: ISBADAL, maadaama Madaxda dawladda ugu sarraysa maalmihii xilka looga tanaasulay ama loogu shubay ama loo magacaabay, BAARLAMAANkiina ay galeen dad badan oo AQOON YAHANNO u badan, hadda maxay ka badaleen DHIIG MIIRAHSADA waligeedba jirtay, ee aan wali la arag qof yiraa war sidan wax ha laga badalo iyo sida ha la isu dhaamo.

Waxaan uga jeedaa, RAJIIMNIDA ma ahan kaliya in qofku xil isku dhagiyo, ee waxay noqon karta inuu qofku u soo jeesto inuu masruufto maal qof kale leeyahay, maxaa yeelay waxa Muqisha ka socda waa taaye. Oo kaalay BEELAYSIGA XUBAHA DAWLADDA lagu qaybsaday, maxaa ka reebay in XOOLAHANA laguma qaybsado? Aqriste, warcelin ma u haysaa?.

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan