Al-Shabaab oo qaraxyo iyo weerar toosa uga jawaabtay haddal kasoo yeeray Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Qaraxyo la sheegay inay ahaayen labo ayaa waxaa goordhow lagu weeraray ciidamo ka tirsanaa dowlada Kenya, gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanka Lamu.

Qaraxyada oo ahaa kuwo lagu aasay dhulka ayaa waxaa lagu dhaawacay ciidamo ka tirsan maamulka Lamu oo xiligaa ku howlanaa howlgal.

Ciidamada la socday gaadiidka la qarxiyay oo tirro ahaan la sheegay inay gaarayeen 14 ayaa waxaa ka badbaaday 10 askari oo qura.

Qaraxyada ayaa si rasmi ah uga dhacay degaanka isgoyska Mambore-Mkokoni oo u dhow Xarunta shirkadda Xoogga korontada ee Kenya Power ku leedahay Degaanka Kiunga ee Galbeedka Lamu.

Qaraxyada kadib ayay ciidamada Kenya dagaal fool-ka-fool ah la galeen maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab kuwaa oo ku hubeysnaa noocyada kala duwan ee hubka.

Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa qaatay ku dhawaad 20 daqiiqo oo xiriir ah, iyadoo markii danbe ay gurmad gaareen kuwa Kenya.

Weerarka Alshabaab ay geysteen ayaa u muuqday mid Jawaab u ahaa haddal kasoo yeeray Kenya oo ahaa in Alshabaab laga saaray Keymaha Booni iyo Deegaanka Lamu oo ay saldhigyo ku lahaayen.

Dhinaca kale, Weerarka ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii Agaasimaha hawlgalka xoreynta Boni ee Kenya Joseph Kanyiri, uu sheegay in Alshabaab ay yihiin gabaabsi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

SHARE