Amaro lasoo rogay iyo Muqdisho oo geli doonta xaalad cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ee uu wakhtigeedu dhamaaday ayaa Hay’adaha amaanka ku amartay in heegan buuxa la galiyo ciidamada Amaanka, gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho.

Hay’adaha amaanka ayaa la faray in ciidamada ay dhigaan dhammaan waddooyinka, Xaafadaha muhiimka ah iyo Isgooysayada magaalada Muqdisho.

Taliyayaasha iyo Saraakiisha ayaa sidoo kale lagu amray inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Ciidamada la dhigaayo goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si ay ula socdaan halka ay mareyso sugida amniga.

Xukuumada ayaa sidoo kale, Taliska AMISOM ee magaalada Muqdisho ku amartay inay la howlgaliyo ciidamada ku Midoobay AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa lagu amray in wadashaqeyn dhow ay la sameeyan Taliyayaasha Hay’adaha amniga DFS, si aanu u dhexmarin khilaaf ku aadan dhanka amaanka.

Dhinaca kale, Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa lagu wargaliyay in wax laga weydiin doono haddii ay dhacdo falal amni darro oo ku imaada feejignaan la’aan dhanka ciidamada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com