Amiirka Qadar oo 12 qodob kusoo koobay mowqifka Qadar ee xiisada Khaliijka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa ka hadlay Khilaafka dowladiisa kala dhexeeya dalalka xulafada Sacuudiga.

Amiir Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani oo hadalkiisa diirada ku saaray qodobada munaasibka ah ee uu ka dhashay Khilaafka ayaa dowladaha Khaliijka kuwooda ka baxsan Khilaafka ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan xalinta Khilaafka.

Amiirka dalka Qadar ayaa ku baaqay in wada xaajood lagu xalliyo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya afar waddan oo Carbeed oo ay deris yihiin.

Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, waxa uu hadalkiisa culeyska ku saaray in loo dhabar adeego xalinta Khilaafka isagoo sheegay in dowlada Sacuudiga ay maleegeyso qorshooyin lagu sii balaarinaayo xiisada kala dhexeysa Qadar.

Waxaa uu sheegay in nolasha dalkiisu ay caadi ku socoto inkastoo lagu hayo wax uu ugu yeeray go’doomin aan xaq ahayn.

Isagoo iska fogeynaaya tuhunka caawinta Kooxaha Argagixisada ayaa sheegay in dowladiisa Qadar ay Kooxahasi ula dagaalameysay si arxan daro ah, iyadoo ka go’doomin jirtay dhanka dhaqaalaha iyo gurmadka, balse si khaldan loogu tuhmay Kooxahaasi.

Dalalka Sucuudi Carabiya, Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta waxay hore ugu eedeeyeen Qadar inay maalgeliso kooxo mintidiin ah.

Nuxurka qodobada khudbada amiirka ayaa waxaa kamid ahaa:-

1-In Qadar diyaar u tahay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka taagan balse wadahadaladaas ay noqdaan kuwa ixtiraamaya madax banaanida iyo qaranimada dalka Qadar.

2-In shacabka Qadar ay muujiyeen adkeysi iyo midnimo loona baahan yahay inay sii wadaan.

3-Dhamaan ajaanibta ku nool Qadar waxay afhayeen u noqdeen dalka Qadar.

4-Waxaa la isku dayay dacaayado iyo kicin si Qadar isu dhiibto balse dadka Qadar ma aysan noqonin kuwa qaata dacaayadahaas iyo kicintaas.

5-Dalalka Carabta iyo kuwa aan carabta ahayn ee ixtiraama aragtida shacabkooda waxay taageero umuujiyeen Qadar ama ugu yaraan ma aysan taageerin kuwa na go’doomiyay.

6-Dowlada Qadar cidina ku qasbimayso aragtideeda.

7-Tan iyo caruurnimadeena waxaan ogayn in beenta iyo xantu yihiin laba shay oo xun.

8-Dowlada Qadar way la dagaalantaa argagixisada caalamkuna wuu ogyahay.

9-Kala aragti duwanaanshaha waxaa lagu xaliyaa wadahadal ee ma aha in arintaas ay dhibaato ukeento shucuubteena.

10-Qadar waxay ufuran tahay maalgashi.

11-Qadar waa la imtixaamay wayna ku baastay imtixaankii loo maleegay.

12-Qadar waxay garab taagantahay shacabka Falastiin gaar ahaan kuwa kunool Al-Qudus waxayna cambaareynaysaa xiritaanka Masjidul Al-aqsa.

Geesta kale, amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa adduunka ugu baaqay inay wax kala baxaan 12ka qodob ee uu kusoo koobay Khudbadiisa ku aadaneyd Khilaafka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com