Amiirka Qadar oo digniin culus u diray 3 ka mid ah dalalka reer Galbeedka

Muqdisho (Caaimada Online) – Amiirka dalka Qadar Tamiim Bin Hamada al-Thani ayaa si adag uga hadlay faragalin uu sheegay in dhowr dal ay ku hayaan xiisada Qadar kala dhexeysa Xulafada Sacuudiga.

Amiirka ayaa sheegay inay jiraan dalal dhowr ah oo Xulafada Sacuudiga ku garabsiineysa xiisada kala dhexeeya Qadar, waxa uuna tilmaamay in dalalkaasi ay u badan yihiin reer galbeedka.

Amiir Tamiim Bin Hamada al-Thani waxa uu sheegay in faragalinta ugu xoogan ay wadaan ilaa Seddex dal oo reer galbeed ah kuwaa oo Xulafada Sacuudiga garab kusiiya qorshooyinka lagu xoojinaayo cadaadiska saaran Qadar.

Dowladaha kadaba shaqeynaaya Qadar ayuu sheegay inay kamid tahay Holland iyo Japan oo si toosa u garabtaagan Sacuudiga iyo dalalka kuwehlinaaya xiisada taagan.

Sheekh Tamiim Bin Hamada al-Thani, ayaa sidoo kale ka digay in xiligaani faragalin lagu sameeyo xiisada kala dhexeysa Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxa uuna carab dhabay inaanu ka aamusi doonin isgarabsiinta muuqata.

Sidoo kale, Amiir Tamiim Bin Hamada al-Thani ayaa dowladaha carabta uga digay inay lug ku yeeshan xiisada ka dhex jirta wadamada Khaliijka.

Haddalka Tamiim Bin Hamada al-Thani ayaa kusoo beegmaaya xili maalin un kahor uu jeediyay khudbad kulul oo uu uga hadlaayay khilaafka Khaliijka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com