Amin Arts oo soo saaray sawir Faarax iyo Sharma’arke oo xajka joogo kuna duceysanayo wax yaab badan

Toronto (Caasimada Online) – Farshaxaniistaha ugu weyn Soomaaliya Amin Arts oo inta badan looga bartay inuu soo sawiro sawir gacmeedyo muujinayo waxyaabo ka jiro Soomaaliya iyo kuwa xikmad jirto inkastoo mararka qaar ujeedo kale laga lahaan karo sawiradiisa ayaa hadda soo saaray Sawir yaab badan.

Amin Arts ayaa soo sawiray siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin Ra’isulwasarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirshadiid iyo Faarax Cabdulqaadir oo ku sugan Xajka si ay u cimreytaan Isla markaasna uu Faarax duceynayo inta kalana ay aamin dhahayaan.

Amin Arts ayaa ducada Faarax Cabdulqaadir ku sheegay sida hoos ku qoran:

” Ilaahow dowladda Soomaaliya ha dhacdo, Ilaahow dalkeena kala qeybi, Ilaahow Qabyaalada soo celi, Ilaahow qarankeynii lacag noogu badal”.!!!!!

Wuxuu sidoo kale ku ag sawiray siyaasiyiinta kale oo Aamin dhahayo.

Haddaba Halkaan hoose ka arag sawirada uu sameeyey Amin Arts: