Andre Santos oo doonaya inuu lasii joogo kooxdiisa Arsenal.

Arsenal ayaa dooneysa inay ka dirto Andre Santos, inkastoo uu daafacani qirtay inuu doonayo inuu kooxda lasii joogo, sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Ciyaaryahanka xulka Brazil ayaa kooxda waqooyiga London kusoo biiray 2011, waxaana lagu soo iibsaday 6 milyan oo ginni laakiin wuxuu xilli ciyaareedkaan intiisa badan ahaa mid aan bandhig fiican sameyn, iyadoo uu xidiga reer Brazil cadaadis kale ku marayo markii uu xidigii hore ee Gunners Robin van Persie funaanada weydiistay kulankii guul darro 2-1 ah ay kasoo gaartay Manchester United.

Isagoo la hadlaayey Globo Esporte, 29-jirkaan ayaa yiri: “Waxaab helay wicitaano iiga yimid kooxo ka dhisanBraziloo I xiiseynaya,TurkeyiyoItaly, balse keliya waa xan. Qofna wax gacanta igama saarin.

“Tababaraha, oo ah maamulaha kooxda, waxba iima sheegin. Waan ogahay inuu aad iiga niyad xun yahay aniguna waxaan diirada saarayaa inaan sii joogo Arsenal, kula guuleysto horyaal, wax fiican ka sameeyo Champions League, waxaana heystaa qandaraas ka badan sedax sano. Halkaan waan ku faraxsanahay.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada Mogadishu