“Aniga xukuumaddii Kheyre ayaan mooshin ka keenay, balse ma ahan xiligan in la deg dego”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Taktar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanada mucaarad ah ee ku dhawaaqay xisbiga Horusocod.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isaga ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka ee markii ugu horeysay mooshinka ka keenay magacaabidii ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, balse qof kastaa aragtidiisa ay isbadli karto.

Xildhibaanada Mucaaradka ah ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaa danta ummada Soomaaliyeed oo xiligan aan la joogin waqtigii la mucaaradi lahaa dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xiligan xildhibaanada ku deg degayaan mucaaradnimada ay keeneen, sida uu sheegay.

“Aniga waxaan kamid ahaa dadkii mooshinka ka keenay xukuumadii ra’iisul wasaaraha, laakiin xiligan ma qabo in la deg dego oo dadka la walaaciyo, waxaa wanaagsan in laga fiirsado wax walbaa”

“Waxaan dhihi lahaa inta aan la deg degin dib haloo eego marxalada haatan lagu jiro”ayuu yiri xildhibaan Idiris Cabdi Taktar.

Hadalkaan wuxuu sheegay kadib wareysi uu siiyay idaacadda VOA.