Aqalka sare ee Somalia oo soo faro-geliyey khilaafka ka taagan ansixinta golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socdo ololaha codka ansixinta iyo mid diidamada loogu raadinayo golaha wasiirada cusub iyadoo koox kasta ay kulamo gaar gaar ah la yeelaneyso kooxda ay howsha isla wadaan.

Haddaba waxaa markaan arintan ku aadan Khilaafka golaha wasiirada soo faragleiyey aqalka sare ee Soomaaliya oo ka hadlay sida looga gudbi karo xaaladda hadda geysato Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa jeediyey in xal waaro laga gaaro ansixinta golaha wasiirada, isagll dalbaday in la damiyo khilaafka iyo koox kooxeysiga lana fiiriyo danta umadda Soomaaliya

Wuxuu ku baaqay in xukuumadda cusub la siiyo fursad ay ku shaqeyso markaas kadib lala xisaabtamo haddii ay wax soo kordhin weysana markaas xilka laga qaado maadaama uu hadda dalku marayo xaalad adag oo bini’aadanimo.

Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in ay tahay wax laga fiican yahay diidmada laga horkeenayo xukuumadda la magacaabay iyadoo aan la arag wax qabadkeeda, loona baahan yahay in waqti iyo ansixin la siiyo wasiirada.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xilli ay wasiirada cusub ka taagan tahay xaalad halis ah oo ku socoto in wasiirada cusub lala noqdo amar loo diido codka kalsoonida, waxaana arrintaan inteeda badan wado Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

21-kii Bishaan ayaa lasoo magacaabaa 68 Wasiir kuwaasi oo la sheegay in durba ay wajaheen Culeys Siyaasadeed oo lagu diidan yahay ah.

Beelaha qaar ayaa waxa la sheegay inay iyaguna ka hor yimaadeen hab qeybsiga Qabaa’ilada loo siiyey Wasaaradaha Xukuumada ayna ku qancin sida Xasan Cali Kheyre wax ku bixiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com