Aqri: Magacyada iyo beelaha 14 hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Daacish Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda kormeerka cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa waxay sii kobcisay fahamkii Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo qaabka hoggaanka ururka (ISIL), Xubnahaha iyo Hoggaamiyaasha sare iyadoo wareysi lala yeeshay xubno hore oo ka tirsanaa Kooxda Daacish ee deegaanada Puntland

Kooxda kormeerka cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xaqiijisay inay heshay 14 magac oo ka tirsan Kooxdaas, Qabiilkooda iyo Xilalka ay hayaan, inkastoo ay sheegtay inay tahay mid aan caddeyn xilalka rasmiga ah oo ay ururkaas u hayaan.

Sida ku cad calaamadaha hordhaca ah ururka Daacish ayaa ka qaab dhismeed iyo Hoggaamin fiican midka Al-Shabaab, waxayna Kooxda Kormeerka ku tilmaamatay qaab dhismeedka Daacish mid aan caadi aheyn.

Haddaba Halkaan hoose ka akhriso:

  1. Cabdulqaadir Muumin: (Daarood/Majeerteen/Cali Saleebaan): Hoggaamiyaha Ururka Daacish qeybta Soomaaliya, Wuxuuna ahaa hoggamiyihii Ruuxiga ahaa ee Al-Shabaab u qaabilsanaa Waqootiga Soomaaliya, wuxuu ku sugan yahay Buuraha Golis, Dowladda Mareykanka ayaana August 2016 u aqoonsatay inuu yahay Argagixiye.
  2. Abdirahman Faahiye, (Ciise Maxamuud), wuxuu Ururkaas dhexdiisa uga qaraabtaa Magaca Axmed Aadan; Khalid; Yacqub; Burane iyo Qabiilka (Darod/Harti/Deshiishe). waa Ku xigeenka Mu’min, waa Hoggaamiyaha labaad ee Ururka Daacish Qeybta Soomaaliya, wuxuu sanadkii 1985 ku dhashay Magaalada Boosaaso, Maamulka Puntland ayaana horey u sheegay inuu ahaa ninkii soo agaasimay Qaraxii 23 may 2017 ka dhacay Magaalada Boosaaso, wuxuu kamid ahaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuu ku sugan yahay Buuraleyda Golis.
  3. Mahad Macalin (Majeerteen/Cali Saleebaan), waxaa Adeer u ah Cabdulqaadir Muumin, waxaa markii hore la sheegi jiray inuu ahaa ku xigeenkiisa, balse hadda waxaa la xaqiijiyey inuu kooxdaas u qaabilsan yahay Preaching (Dacwada iyo Baraarujinta), isna wuxuu horey uga tirsanaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuu hadda joogaa Buuraleyda Goolis.
  4. Cabdixakiim Dhuqub (Majeerteen/Cali Saleebaan/Ismaaciil Cali), waa Hoggaamiye sare oo ka mid ah Daacishta Soomaaliya, waxayna Da’diisa u dhaxeysaa 50 – 55 Sano, wuxuu ku lug lahaa ololihii Boosaaso looga abuuray Al-Itihaad al-Islamiya (AIAI), sanadkii 2004, Wuxuu kamid ahaa dadkii hormariyey Fikradaha Al-Shabaab isagoo ahaa xubin ka tirsan Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, hadda wuxuu ku sugan yahay Buuraleyda Golis.
  5. Abdiqani “Luqmaan” (Daarood/Leelkase): Da’diisa waxay u dhaxeysaa 25-30 jir, waa taliyaha Hoggaamiyo howlgalada Militari ee Ururkaas, wuxuu horey uga tirsanaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna hadda ku sugan yahay Buuraha Golis.
  6. “Abuu Xafsa” (Hawiye/Gaaljecel): Waa ku xigeenka taliyaha Hoggaamiyo howlgalada Militari ee Ururkaas, wuxuuna ka hooseeyaa Luqmaan, Qiyaastii da’diisa waa 30 sano jir, wuxuu horey uga tirsanaa Al-Shabaabka joogo Gobolka Hiiraan, waxaana la qiyaasayaa inuu kooxdaas ku daray ciidamo badan oo kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya iyadoo loo marayo Shakhsi kooxdaas dhexdeeda looga yaqaan “Jabal”.
  7. Xamza Fareey (Daarood/Majeerteen): Waa Madaxa Dacwada iyo Baraarujinta Ururka Daacish Soomaaliya, wuxuu ahaa xubin hore oo ka tirsanaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuu hadda ku sugan yahay Buuraleeda Golis.
  8. Abdibasid oo la baxay Magaca Mukhtar (Majeerteen/Cali Saleebaan): Da’iduusa waxaa lagu qiyaasayaa 30 sano jir, balse muuqaal ahaan wuxuu u muuqdaa nin dhallinyaro ah, waxaa macquul ah inuu ka tirsan yahay Sirdoonka ama iibinta Hubka.

Sidoo kale waxaa xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan ururkaas xogtooda laga helay Wareysiyo Sirdoon, Ilo kamid ah laamaha amniga iyo Shirkadaha Taleefoonada, waxaana kamid dadka xogtooda la helay :

  • Abdiweli Mohamed Aw-Yusuf “Walah” (Majeerteen/Ali Salebaan/Ismail Ali)
  • Abshir Mahamoud Mire Mahamoud, oo Daacish Dhexdeeda looga yaqaan Abshir Gardhere
  • Jaamac Ismaaciil Said Salahm, oo Daacish dhexdeeda looga yaqaan Jama Dhere;
  • Ahmed Omar Ali “Beerdhagax” oo looga shakinsan yahay inuu yahay qofka hubka soo iibiyo
  • Abdirahman Yusuf Mahamud Adan
  • iyo Maxamed Bile Gash Yuusuf , waa ninka u qaabilsan Kooxda ISIL dhanka Taleefoonada iyo Isgaarsiinta.
SHARE