Aqriso: Hadalladii ugu kulalaa ee xildhibaanada isku weydaarsadeen kulanka kiiska Qalbi-Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda xarunta golaha shacabka ka socda dood ku aadan dhiibista xukuumadda ra’isul wasaare Cali Kheyre ee Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Xukuumadda Kheyre ayaa ugu horeyn keentay golaha shacabka illaa 15 hindise sharciyeed, laakin xildhibaannada ayaa isu diwaangeliyay in ay ka doodaan arrinta dhiibista Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Halkan Ka Akhriso: Doodda Ka Socota Gudaha Golaha Shacabka:

Xildhibaan Mahad Salad oo golaha shacbka u sheegay in heshiisyada ay xukuumadda Kheyre Ku mar-marsiyooneyso ay yihiin sharci- darro aan lagu gelin magaca dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo soo jeediyay in xukuumadda Kheyre la aamino, arrinta Qalbi-dhagaxna lagu wareejiyo guddiga Amniga ee golaha.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo dalbaday in la keeno sharciga mujrim ama dambiile looga dhigay Qalbi-dhagax

Xildhibaan Khadiijo Diiriye: Heshiisyadii horay loo galay xukuumadda waxaa ay ku sameyneysaa dib-u-eegis, Golaha shacabkana xaq ayuu u leeyahay in uu sidoo kale dib-u-eegis ku sameeyo.

Xildhibaan Maryan Carif oo sheegtay in dowladda ay mas’uul ka tahay Amniga iyo siyaasadda dalka iyada oo intaasi raacisay in wixii dhacay ay qalad ahaayeen balse aan dowladda loo dumin Karin

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo xildhibaanada weydiiyay sidee arrinta qalbi-dhagax looga doodi karaa iyada oo aan laheyn nuqulka heshiisyadii la galay

Ibrahim Yarow oo sheegaya in ay tahay in Amniga iyo siyaasadda dalka looga dambeeyo xukuumadda, shacabkana aaney arrintaasi qalad ka fahmin

Xildhibaan Cabdiqadir Baqdadi oo xukuumadda Ku dhaliilay arrinta Qalbi-dhagax isaga oo intaa raaciyay in qadiyadda meesha ay ka istaagtay xukuumadda ay qalad aheyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com