Aqriso: Lixda qodob ee heshiiska Farmaajo iyo Uhuru + Sooyaal-ka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmay xarunta madaxtooyada Kenya, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashi dhex-mara labada dhinac.

Madaxaweyne Maxamed Cabdullahi waxaa loo soo dhaweeyay si heer sare ah, waxaa la siiyay salaan sharaf, waxaa la tumay salaanta calanka labada dal, waxaa la riday 21 madfac oo lagu soo dhaweynayo, intaa waxaa dheeraa madaxweynaha Kenya ka sokow waxaa goobta joogay oo Rais Farmaajo soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Ruto, wasiirka arrimaha dibadda Amina Maxamed, , Joseph Nkaissery, Raychelle Omamo, James Macharia, Cleopa Mailu, Willy Bett, Mwangi Kiunjuri iyo Dan Kazungu

Shir Jaraa’id oo labada madaxweyne qabteen kulanka kadib, waxaa ay sheegeen sida labada dal muhiim ugu tahay in ay iska kaashaadaan arrimo badan oo ay ku jirto danta labada dal.

“Soomaaliya haddii ay hor-umarto Kenyana waa ay hor u mareysaa, Soomaaliya haddii ay nabad noqoto, Kenyana waa noqon, sidaa waxaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu codsaday in caqabada laga hor wareejiyo ganacasiga labada dhinac si loo gaaro hor-umar dhaqaale.

Dhankiisa Madaxweynaha Kenya waxaa uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay kalsooni dhex marta labada dal.

“Cid keligeed istaagi karta ma jirto, waa in aan wada kacno ama cid kasta ay keligii gooni u dhibtoodo, ” sidaa waxaa shirka jaraa’id ka sheegay Kenyatta isaga oo inta araaciyay in hor u mar iyo nabadgalyo  laga gaarayo haddii labada dal ay is taageeraan.

Kenyatta waxaa uu sidoo kale ballan-qaaday in dalkiisa uu sii wadi doono la dagaalanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda iyo in labada dal dhinacyo badan iska kaashadaan.

Shirka jaraa’id ee labada madaxweyne, waxaa ka horreeyay kulan ay wada qaateen wafti heer wasiirro ah oo ka socday labada dal.

Labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay ku jiraan nabad-galyada, ganacsiga, maalgeshiga, duulimaadka, beeraha, hor-u-marka, dalxiiska, kaluumeysiga, shaqada, isu socodka iyo qodobo kale.

Sida uu sheegay agaasimaha warfafainta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed, labada dhinac waxaa ay ku heshiiyeen:

  1. In Duulimaadka lagu baarayo Wajer la joojiyo, oo diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay toos u tagaan Nairobi. labo todobaad gudahood.
  2. In la furo isu socodka iyo ganacsiga xadka, gaar ahaan Dhoobley iyo Buulo-xaawo.
  3. In diblomaasiyiinta labad dhinac aan laga qaadin wax fiiso ah.
  4. In la howlgeliyo Joint Commission of Cooperation (JCC)kaas oo dhigaya xiriir toos ah labada dhinac ah oo ku saabsan Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo Nabad-galyada.
  5. Kenyaanka waxaa ay tababari doonaan 200 macalin, 200 kalkaaliye iyo 100 qof oo ka mid ah shaqaalaha dowladda.
  6. Inta heshiiska aanu dhaqangelin, weliba labo todobaad gudahood, waxaa laga doonayaa mas’uuliyiinta labada dal ain ay hubiyaan ammaanka garoomada.

Heshiiska Kenya Iyo Soomaaliya September 2016:

September 4, 2016-kii,  labada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta waxaa ay saxiixeen heshiis ay labada dal horay u galeen February 2016-ka. kaas oo saxiixa labada mas’uul ka dib la sheegay in uu shaqeyn doono, 7 bil kadib shirkaas, maanta ayaa lagu celiyay wixii maalintaas la sheegaty.

Sooyaalka Heshiisyada Soomaaliya iyo Kenya:

Bilowga Heshiiska:

Heshiiskan waxaa uu bilowday July 2015kii, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya Amina Mohamed ayaa February 1, 2016-kii waxaa ay Adis Ababa ku saxiixeen heshiis loogu magacdaray Joint Commission of Cooperation (JCC) kaas oo dhigaya xiriir toos ah labada dhinac ah oo ku saabsan Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo Nabad-galyada.

Isla sanadkaasi bisha September 2016-kii, shir IGAD isugu timid Muqdisho, waxaa mar kale gooni u baxay Kenya iyo Soomaaliya, maalintaas waxaa la cosbooneysiiyay heshiiskii iyo Joint Commission of Cooperation (JCC) .

Heshiiskii September 2016-kii:

Qodobadda Heshiiskaas waxaa ugu muhiimsanaa:

In la fududeeyo Fiiasayaasha labada dal.

In Duulimaadyo toos ah loo sameeyo Muqdisho iyo Nairobi oo Wajer meesha laga saaro.

In KBC ama Kenya Commercial Bank Limited uu barach ka furto Muqdisho.

In la fududeeyo ganacsiga iyo isu gudubka xadka labada dal.

Arrinta qaadka ayaa aheyd mid cusub, taas oo aan la dhihi Karin waxaa ay ku jirtaa ama qeyb ka aheyd heshiiskii February.

Gunaanad:

Sida aad ka aragteen heshiiska labada dalka ma aha mid cusub, February 2016-kii waxaa la sheegay in la fulinayo, September isla sanadkaas waxaa la sheegay in labo bil gudahooda uu shaqeyn doono.

Heshiikan waxaa uu jiraa labo sano ugu yaraan, weli ma dhaqan-gelin, waxaana la isweydiinayaa sababta keeni karta in ay labada dal arrinkaas daacad ka noqdaan oo la fuliyo?

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye