Aqriso tirada xildhibaanada saxiixay mooshinka Cosoble iyo xilkiisa oo halis ku jira

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay inay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble, iyadoo uu gabo gabo ku dhow dhow saxiixa mooshinka, si loogu gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in xalay illaa shalay ay Xildhibaanada wadeen kulamo gaar gaar ah iyo is dhaarsi ku aadan, sidii mooshin ay saxiixeen Xildhibaano gaaraya 50-meeyo ay u diyaarin lahaayeen.

Madaxweyne Cosoble ayaa lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay Qodobo ka mid ah Dastuurka,islamarkaana uu soo saarayo go’aano aysan jirin cid uu kala tashtay.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Mooshinka laga diyaariyay Madaxweyne Cosoble ay illaa haatan saxiixeen 40 meeyo Xildhibaan, waxaana la filayaa in maanta loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble oo aan labadii bilood ee la soo dhaafay tagin magaalada Jowhar ayaa wajahaya culeys uga imaanaya Baarlamaanka, waxaana muuqata in aanu xilligan heysan aqlabiyada Baarlamaanka, waxaana uu kalsoonida ku weyn karaa saddex meel labo meel.

Maamulka Hirshabelle ayaa lagu sheegayaa inuu yahay maamulka ugu fadhiidsan maamulada ka jira dalka,waxaana mas’uuliyiinta ugu sareysay saldhig u ah magaalada Muqdisho iyagoo aan ka war heyn xaalada ay ku sugan yihiin dadka ay mas’uulka ka yihiin.