Arag: Caasimada Online oo heshay document muujinaya sida uu R/W CC u qiyaanay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa maxkamadda caalamiga ah ee Hague uga socota dacwad la xiriirta badda Soomaaliya oo Kenya ay dooneyso inay qaadato qeyb ka mid ah.

Doodda socotay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ugu weyn ee Kenya ay ku doodeyso ayaa ahaa heshiiskii 2009 ee MoU-ga oo baarlamanka Soomaaliya uu diiday.

Inkasta oo heshiiskan uu baarlamanka diiday, ayaa haddana waxaa su’aalo saddex ah iyo shaki ballaaran dhalinaya tallaabooyin uu kadib go’aankii baarlamanka qaaday ra’iisul wasaarihaha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Caasimada Online ayaa haddaba heshay document muhiim ah oo muujinaya in Cumar Cabdirashiid uu si xooggan u qiyaameeyey Soomaalida.

Hoos ka aqriso

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/09/qiyaanada-cc.pdf” width=”700″ height=”1300″]

W/Q: Bile Yaasir

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com