Arag Sawirrada: Milateriga Zimbabwe oo la wareegay talada dalka iyo taliyaha oo sheegay…

Harare (Caasimadda Online) – Waaberigii hore ee saakayto ayey Milliteriga dalkaasi waxay la wareegeen Talada dalkaasi, waxayna Gaadiidka Gaashaaman ku go’doomiyeen dhamaan Xafiisyadda Dowladda, Dhismaha Barlamaanka iyo Maxkamadda Sare ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Harare.

War ay Milliteriga soo saareen, lagana sii daayey Telefishinka Qaranka ayey ku sheegeen inay beegsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweynaha da’da ah ee Robert Mugabe.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweynaha oo 93-jir iyo Qoyskiisa bad-qabaan

Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah.

Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.

Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.

Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.

Madaxweyne Zimbabwe iyo Xaaskiisa Grace Mugabe  oo rajeynayso inay Xilka kala wareegto Ninkeeda ayaan la arkin ama la maqlin halka ay ku dambeeyeen.

Wasiirkii Maaliyadda ee dalkaasi,  Ignatius Chombo oo hoggaamiyaGarabka G40 ee Xisbiga ZANU PF ee haya Talada dalkaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanku Xabsiga dhigeen.

Sarreeye Gaas SB Moyo oo ah Taliyaha Guud ee Loojistikada oo ka hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay Ciiddanka begsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweyne Mugaabe, kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay galayaan Dembiyo dhibaataynaya Dhaqaalaha iyo Bulshadda Zimbabwe.

Wuxuuna intaasi ku daray in Dembiilayaasha la hor geyn doono Caddaalada..

“Isla marka aan dhamayno Hawlgalkaasi, waxaan rajeynaynaa inay Xaalladu caadi noqon doonto”ayuu yiri Jeneral SB Moyo.

Dhaqdhaqaaqa Mucaaradka ee Isbedel-doonka  Zimbabwe (Movement for Democratic Change) waxay ku baaqeen in si nabad ah loo soo celiyo Dastuurka Dimuqraadiyadda, waxayna rajo ka muujiyey inay Faragelinta Milliteriga horseedi doonto Asaaska Deganaansho, Dimuqraadiyad iyo Horukaca Qaranka.

Warbaahinta Koonfur Afrika: Mugabe “wuxuu doonayaa in uu iscaslio”

Sida ay baahinayaan qaar ka mid ah warbaahinta dalka Koonfur Afrika, Madaxweyne Robert Mugabe wuxuu isu diyaarinayaa in uu xilka ka dego, saacado ka dib markii “militariga ay la wareegeen awoodda”.

“Mugabe wuxuu doonayaa in uu iscasilo”, ayuu wargeyska News24 ku qoray boggiisa asigoo soo xiganaya sarkaal sare. Balse faafaahin dheeraad ah kama bixin.

Xiisad siyaasadeed ayaa sare u sii keceysay tan iyo markii madaxweyne Mugabe uu shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa, kaas oo muddo saaxiib dhow la ahaa Mugabe.

Gawaari gaashaaman oo ku sugan jidadka Harare

Militariga ayaa dhex wareegaya jidadka caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare.

Sawirro saaka laga qaaday Harare ayaa muujinaya gawaari waawayn oo gaashaaman iyo ciidamo si toos ah u joojinaya gawaarida.