Arag sawirro: Baarlamanka Puntland o ka shiray Gaas iyo go’aankii la filayey oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Guddi ka socday baarlamaanka maamulka Puntland iyo C/weli Gaas ayaa kulan ku dhex maray aqalka madaxtooyada Garoowe ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, kadib markii guddiga xildhibaanada ay Gaas ka codsadeen in baarlamaanka uu horkeeno dhamaan nuqulada heshiisyada caalami ee Imaaraadka iyo shirkaddaha caalami.

Xildhibaanada ayaa waxay hordhigeen C/weli Gaas in si sax ah loo maamulin lacagihii laga helay Imaaraadka ee dekadda Boosaaso iyo mashaariicda kale ee horumarined loogu talagalay, waxayna dalbeen in kulanka 39-aad ee baarlamaanka uu horkeeno nuqulada heshiisyadaasi.

Mudane Gaas ayaa ku qanci waayay dalabka xildhibaanada wuxuuna ku adkeystay in baarlamaanka uu horgeynaayo kaliya nuxurka heshiisyadaasi, isla markaana aysan wax macro ah sameyneyn in dhamaan nuqulada uu la hortago baarlamaanka.

Intaasi kadib, waxaa lagu kala kacay fadhigii ay yeesheen Gaas iyo guddiga xildhibaanada, waxaana bilowday olole lagu diyaariyay mooshin ka dhan xukuumadda Gaas oo baarlamaanka horyaalo.

Ilaa 40 xildhibaan ayaa qoreen mooshin ka dhan xukuumadda oo xasaanada ay kala noqonayaan.

Kulanka 39-aad ee kalfadhiga baarlamaanka ayaa qodobada horyaala waxaa ka mid ah in la horkeeno dhamaan heshiisyada caalamiga ah ee Madaxweynaha Puntland galey iyo la xisaabtanka xukuumadda.

Kulankii Isniinta 17-07-17 ee baarlamaanka ayey dood adag ka yeesheen Xukuumadda, xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in xasaanada lagala noqdo Madaxweynaha iyo Kuxigeenka, halka qaar kale ay soo jeediyeen in loo yeero, waxaana uu kulankaasi ahaa fadhigii ugu adkaa, waxaana fadhiyey xildhibaano ka badan 40.

Maanta ayaa la filayaa in laga doodo mooshinka ay saxiixeen 40 mudane ee soo jeediyay in xasaanada legaal noqdo madaxweynaha iyo xukuumadiisa.