Arin shacabka Muqdisho ka cabteen oo amar adag laga soo saaray

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay la dagaalamayso dadka ku labista dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya islamarkaana dhibaato u geysta dadka rayid ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wasiirka difaaca dalka Soomaaliya C.Xakiin Xaaji Maxamuud “Fiqi”,ayaa si kulul uga hadlay dadka kuu labisan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dadka ka ganacsada hubka sharci darada ah sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada ay la dagaalamayso dadkaasi sida uu sheegay ,isagoo xusay in ciidamo gaar ah loo tababarayo dadka ku labisan dareeska iyo suuqyada magaalada Muqdisho,kuwaasi oo soo gudbinayo dadka iibiya dareeska iyo hubkaba.

Wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo dhar cad ah,waxaana uu sheegay in dadkii lagu soo qabtaa iyaga ka ganacsanaya hubka iyo dareeska ciidanka in lala xisaabtamayo oo maxkamad lasoo taagayo.

Hadalkaan ayaa imaanayo iyadoo shacabka magaalada Muqdisho ay ka cabanayaan dadkaku labisan dareeska ciidamada dowlada ,iyadoo degmooyin badanoo ku yaala Muqdisho lagu soo qabqabtay dad ku labisan dareeska ciidamada dowlada.