Arrin cajiib ah: ciidamo gacanta ku dhigay nin 9 madax oo meyd ah keydsanayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dalka Japan ayaa gacanta ku dhigay qaboojiye lagu keydinaayay meydadka Sagaal ruux iyo Madaxyada dhowr iyo toban qof oo aan la ogeyn waxa ay yihiin.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ninkaan lagu magacaabi jiray Takahiro Shiraishi oo 27 Jir ah ka ganacsan jiray jirka bani’aadamnka.

Booliska ayaa arrintaan foosha xun ku ogaaday howlgal ballaaran oo ay ka sameeyen dhismo ku yaalla Deegaanka Zama ee Koonfurta caasimadda dalkaasi ee Tokyo.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Mr Takahiro Shiraishi uu qirtay inuu isagu dilay maydadka laga helay gurigiisa.

Waxa uu Takahiro Shiraishi sheegay in dadkaasi uu ku dhex jarjaray suuliga dhexdiisa, waxa ayna kala ahaayeen Sideed haween iyo hal nin.

Sidoo kale, Takahiro Shiraishi ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad si looga jaro falka uu ku kacay ee dhibta u geysatay qoysas badan oo dadkooda ku waayay.

Dhinaca kale, Booliska ayaa sheegay in sawirada meydadka ay la wadaagi doonaan warbaahinta si cadeymo ay ugu noqoto waxyaabaha ka taagan Japan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com